Hay’adda Dhawrista Tayada cuntooyinka iyo dawooyinka Somaliland oo gubtay Basal xumaatay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa gubay Basal xumaatay, ka dib markii ay ku dul qoyday doontii ay saarnayd.

Basashan oo lagu gubay duleedka bari ee magaalada Berbera ayaa dhamayd kun iyo sideed boqol iyo afartan kiintaal, gubtaankeedii waxa hadal ka jeediyay Muxyadiin Maxamed Yuusuf iyo Cabdixakiin Ibraahin oo ka mida waaxda fayo dhawrka ee dawlada hoose ee degmada Berbera ayaa sheegay in u jeedada basashaas loo gubay ay tahay in la ilaaliyo caafimaadka guud ee bulshada, maadaama oo basashaasi xumaatay, isla markaana aanay ku haboonayn in la isticmaalo.

Masuuliyiinta dawlada hoose ee dhanka fayo-dhawrka iyo kuwa hay’adda dhawrista tayada u qaabilsan gobolkaasi waxay si wada jir ah u sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka bulshada maadaama magaalada Berberi tahay goob ay ka soo degaan waxyaabo kala duwan oo laga isticmaalo guud ahaan dalka, loona baahan yahay in tayadooda la hubiyo inta aanay soo dhaafin dekedda Berbera, u mahad-naqeen maasuuliyiinta dekeda Berbera, kuwa gobolka Saaxil iyo maamulka degmada Berbera oo kaalin ka qaatay sidii loo ilaalimn lahaa tayada waxyaabaha ka soo degaaya dekeda Berbera.