Haddii aannu nahay Macaamiisha Kaalmaha Shidaalka ee Somaliland ee Kaalmahaw Gar ma Idin Gashaa oo ma Idinka Baxdaa?!

Wasaarada Ganacsigow, Ciidanka Dabdamistow, Dawaladaha Hoosow Taladiinii ma waxay noqotay oo kaliya in aad isku kayo dawataan Macaamiisha shidaal iibsata iyo Kaalmaha Shidaalka ee Somaliland.

W.Q:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

Anigoo  badanaa laygu yaqaan hawlaha danta guud inaan ka shaqeeyo kolba halka ay ka liicdo oo isku daya inaan wacyigalin ka sameeyo, halka ay ka tiirsan tahayna tageero, ayaa waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qormo taabanaysa bed-qabka nolosheenna iyo ka-hortagga khatar markasta iman karta oo u baahan in taxadar weyn laga yeesho masuuliyadda ilaalintiisa.

Sida caadiga ah waxa had iyo jeer laga hadlaa waxyaabo badan oo qof walba oo bulshada ka mid ah saamaynaya, haddana aynaan dheg u dhigin. Marka dhibaatadaasi dhacdo ayuun baa la isku yaac-yaacaa oo xal la raadiyaa. Hal-ku-dheg caafimaad ayaa yidhaa; ‘ka-hortaggu wuxuu ka wanaagsan yahay daawaynta.’

rashiid-sulub

Sida aynu ognahay marka dhisme la dhisayo amma meherad laga adeeganayo waxa muhiimadda koowaad la siiyaa bed-qabka dadka goobtaas ka adeeganaya amma inta ku ag xeeran. Kadib ayaa la isticmaali karaa dhismahaasi amma laga adeegan karaa meheraddaas ganacsi.Laakiin kuma dhaqanno Soomaalida marka aad eegto. Waxa marag ma doonto dad badan oo mid  ah, waxay ku jiraan Yoomal kaafkii oo  xaalad wahsi fara badan ka muuqdo amma waxa laga yaabaa inay innagu yar tahay sida aynu masuuliyad iskaga saarayno waxa aynu masuulka ka nahay. Waxa tusaale innoogu filan Nabigeennii Muxamed (NNKHA) ee fadliga badnaa dardaarankiisii ugu dambeeyey uu innaga adkeeyey wax gacmaheenna ku jira ee aynu ka masuulka nahay in aynu xil weyn iska saarno ilaalintiisa.

Haddaba, aan u soo daaddago ujeeddada qormadaydan; haddii aad eegto magaalooyinka Somaliland waxaad arkaysaa kaalmaha shidaalka aynu ka qadano maalin walba shidaalka oo haba yaratee aan raacin nidaamka shidaal-ku-shubista Hamaha iyo nidaamka iibintiisa.

Muddo sannad ku dhow waxaan isku xilqamay  inaan kaalmaha Shidaalka waddankeenna ku wacyigaliyo sidii loo raaci laha nidaamka shidaal shubista iyo iibintiisa, si loo helo badbaado, maadaama uu dab ka kici karo kaalmaha shidaalka, haddii aan la raacin nidaamkiisa. Sida aynu wada ognahay dabka ka kaca shidaalku wuxuu keenaa khasaare weyn oo mood iyo noolba leh.

Sidoo kale, waxaan kala hadlay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ,iyo Shirkadaha Shidaaka dibadda ka soo warida. Waxaan u soo qaatay halhayska caanka ah ee ah ‘Gari ma ku gashaa ama ma kaa baxdaa’ oo aynu  u adeegsanno guud ahaan marka cid loo garnaqayo ee laga hoos qaadi waayo cabashaooda yo xuquuqdaada iyo dawga lagu kalo leexdo.Sidoo kale waxay ka dhigan yihiin halhayska Somalidu tidha AWR DABAR LA’AAN,maka ay wanaagii ay baalmareyn.

Inkastoo qeybaha ku lug leh shidaalka shubistiisa iyo iibintiisuba tahay wax aad u fudud inay raacaan nidaamka caalamiga ah ee lagu dhaqmo, taas oo ay iyaguna ku badbadayaan, dadweynuhuna ku badbadayo. Waxyabaha ay ku kacaan qolyaha shidaalka keena amma iibiyana waxa ka mid ah:-

Booyahada shidaalka ka soo qaada Berbera oo aynu ognahay inay waqti dheer soo socdaan oo shidaalku ruxmo iyagoo dhul kulul soo maray, ayaa isla marka ay soo istagaan waxaad arkaysa in tuumbada lagula rooro, afkana loo galinayo ceelka kaydka shidaal.

Waxa aynu ogsoonahay inay jiraan dad waalan oo haddana dhar caadiya xidhan oo laga yaabo intuu soo maro halka booyaddu shidaalka ku shubayso oo uu sigaar isaga cabbo ama iskaga tuuro, iyadoo uu halkaasna dab laxaad leh ka kici karo. Sida nidaamku yahay oo aanay aqoon-darro ka aheyn qolyahan shidaalka ku lug leh waxa ka mid ah nidaamka shidaalka loo shubo amma looga ganacsado ka mid yihiin:-

  1. In shidaalka aan la shubi karin waqtiga saqbadhka habeenkii ka horreeya, markaas oo ah xilliga cagta dadku go’do.
  2. In xayndaab lagu sameeyo inta u dhow ceelka marka lagu shubayo shidaalka.
  3. In la sameeyo calaamado iftiimaya oo muujinaya in shidaal-shubis socoto.
  4. In la dhigo meesha shidaalka lagu shubayo askari ama qof horjooga ah oo ka ilaaliya dadka aad aqoonta u laheyn goobta ay marayaan ama kuwa aan markaasi aan  caadi aheyn.
  5. Kuwa shidaalka shubaya iyo inta kaalinta joogta waxa ka mamnuuc ah inay sigaar shitaan amma wax dab dhalin kara heystaan.
  6. Waxa kalo oo mamnuuc ah in kaalin shidaal laga sameeyo goobo cayiman oo haddii dab kaco khasaare weyn keeni karta sida cisbitaallada, iskuullada, iwm.
  7. In  kaalmahu heystaan haamaha yaryar ee lala gaadho marka dabku kaco iyo qalab casri ah oo makiinada qoreysa shidaalka la shubo korkeeda lagu rakibo oo haddii dab ka kaco ay markiiba siideyneyso walaxyo dabadka bakhtiinaya.
  8. In shaqaalaha  iibinaya shidaalku darawallada ka codsadaan inuu baqtiiyo gaadhiga inta uu shidaalku ku socdo.
  9.     Inay kaalmuhu sameeyaan hab-maamuus ay ku soo jiidanayaan macaamiishooda sida iyagoo masaxaya muraayadda hore amma ka hubinaya taayirrada naqaskooda, taas oo labadoodaba faa’iido ugu jirto
  10. Badanaa kaalmaha shidaalka Somaliland waxa ku lammaan goobo laga adeegto (super markets) lagu iibiyo waxyaabo badan oo kiimikal ah oo markiiba dabku gaadhi karo iyo mishiinno laydhka dhaliya, taasi oo u baahan in lala yimaad taxadir, masuuliyad weyna la iska saaro.

11.Dawladaha hoose, kooxaha dam-damiska iyo Ciidankataraafiga waxa saaran wajibyo muhiin ah oo ay ka mid yahiin wakhtiyada iyo goobaha ay ka marayaan  Booyadaha Shidaalku ay magaaloyinka dhexdooda  iyo qaabka ay u marayaan iyo Booyadaha Darawaladooda waxii wajib gaar ah ee laga rabo in ay la yimaadan.Sida ay imika ay tahay waa in wax weyn laga badala oo xitaa waxaan arkay iyadoo mudaharaadyo socodaan oo taayiro la gubayo Booyadaha shidaal ka  oo dhex mushaaxaya,sidoo kale waxa haboon marka wakhtigan xadirka ah la eego xalaadala aduunka ka dhacaya in caqli la keeno Booyadahaasi aysan gacan kale u galin.

12.In koronto yaqaan xariif ah uu bishiiba mar uu hubiya qaybka iyo xadhkaha dabka ee kaalinta oo dhan.

Waxaan ku soo doortay waqtigan inaan wax ka qoro mawduucan, waxa  foodda innagu soo haya maalmahii ciidda Carrafo,  waxana aad u bata gaadiidka la adeegsado iyo dhaqdhaqaaqa bulshada. Sidaa daraadeed, waxa iswaydiin leh su’aalahan ku wajahan    dhawrka qeybood ee aan kor ku soo xusay ee ay khusaynayso arrintani:-

  1. Ma bulshadeenna ayaan danaynayn ama dalbaneyn in adeeggaas badbadada ah loo sameeyo, waxana xaqiiq noqonaysa maahmaahdii ahayd ‘ilmaha aan ooyin hooyadii waa qadisa.’
  2. Mulkiilayaasha kaalmuhu maxay ubadkooda iyo qoysaskooda uga fikiri waayeen bal inay badbaadiyan, maadaama ay bulshada ka mid yihiin ahna, kuwo badannaba  ka shaqeeya ama ka agdhow  kaalmahaasi, iskaba daa dad kale’e?
  3.     Maxay Wasaaradda Ganacsigu u dhayalsanaysaa  oo ay cid walba goobo shidaal ruqsad ugu siiyaan, iyagoon u eegayn goobta laga samaynayo inay ku habboon tahay iyo shuruucdii looga bahnaa oo ay ka mid yahiin  in la helo shaqaale xirfad u leh hawlaha shidaalka?

 

  1. Waxa iyaduna isweydiin leh shirkadaha shidaalka keena dalkeenna oo laga helayo masuuliyiin adduunka wax ka yaqaan nidaamka shidaalka, mise waxay daneynayaan oo keliya macaash degdeg oo ayna dan kale kalaheyn bulsho-weynta ay ka dhasheen?

5.Ma laga yaaba Kaalmaha Shidaalka waxa ay wajibkooda xaga badbadada Dabka ugu gaabiyeen  ay tahay iskuxidh la’aanta Kalmaha iyo wax wada qabsigooda oo meesha ka maqan.

5.Waxa kale oo jira dad ganacsato waaweyn oo Alle maal badan siiyay oo haddana kaalin yar oo shidaalka lagu iibiyo samaysanaya, afar qof oo ay xigto yihiinna shaqaaleysiiya, halka  maaligelin lahaayeen mashaariic fa’iido badan u soo hoynaya, isla markaana shaqo-abuur u noqon lahaa waddankeenna shaqo la’aanta  ku habsatay,  ee sannad walba kumaan kun ardey jaamacadaha ka soo baxayna hoganayaan  ciil  dartii suuqyada Wadankeena.

Haddii aynu ee masal u soo qaadano sida laga warhayo mashaariic ay ka mid yihiin suuq-geyta kalluunka baddeenna ceegaaga iyo milixdeenna oo dalka Ethiopia  ay ka jirto baahi ballaadhan oo ay  u qabaan iyo fursado qaali ah oo kale. Sidoo kale, mashaariicda ay ka mid yihiin beeridda iyo soo-saarka timirta, ka faa’iideysiga nimcada yuururta Banka Wajaale, innagoo ka door bidney in aynu xaflado laga badbadiyay u sameynno qallin-jabinta jaamacadaha oo si dhaqso ah loo illaawo, innaga oo bartaasi fadhinana Shaydaan innagu mudyo irbado aan muuqan oo innaga suuxinaya wajibka innaga saran dayarta oo ah inayu u diyaariyno

Nolol ka sii horreysa oo adag oo ay dugsanayan dhallinyaradaas. Hase ahaatee, qosal  iyo hambalyo oo xaqiiqda ka fog si fudud isku dhaafinaa. Waxa aan xusuutaa majaajillo qodobkan ku taagan oo wax jirey aakhirkii kontomeeyadii iyo horraantii lixdamaadkii baabuurta waaweyned ee xammuulka iyo rakaabka qaadi jiray oo aad ugu fog kuwan casriga ah ayaa buurta Ina Naxar ee Hargeysa duleedkeeda ku taal markay ka baxayaan gawaadhidaas inta rakaabku ka dago ayey riixi jirey, buurtana sidaas kaga bixi jireen.

Maalin iyadoo baabuur ka mid ah kuwaas ayaa markii hawshiisii ambabaxa  loo dhammeeyay oo ay qadadii cunayaan rakaabkii, darawalkii iyo kaarigii oo kaftamayaan oo ay dhexmartay sheeko xiiso badan oo la wada qoslay,  Markaas ayuu darwalkii xusuustay burtii kadeedka badneyd ee sugaysay inay qasab kaaga saaran baabuurka ayuu yidhi; ‘Waaban qoslayaa Qalaxna  iga dambaysaa!

Haddaba, iyadoo Soomaalidu wax isku cajiinto marka arrin loola yimaaddo, aniga Rashiid ahaanna aanan isbideyn in aan dadka ka aqoon badannahay, laakiin xikmadda ii riixaysaa tahay oo kaliya waxa danteenna guud ah ee dantu innagu qasbeyso in aynu iskula dardaarano iyo anigoo in badan ka hadley qaddiyaddan oo ficilna ka sameeyey oo dheg la ii dhigi wayay. Sidaa darteed, waxaan ka rajaynayaa dhammaan qeybaha ay khusayso arrintani inaynu hagrashada iska dayno, oo waxa dadkeenna iyo dalkeenna u fiican aynu gudanno, waxana xusid mudan gabaygii Timacadde ee uu lahaa ‘Qof WALOW WIXII KUGU HABOON, HOOS U DHUGO CAAWA.”

F.G: wixii talo iyo tusaale ah ee fayow  waan soo dhawenayaa mar walba.

Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.