Habab aad Ku Yareyn Karto Halista Xanuunada Kalyaha

Kelyuhu waxa ay kuyaalaan hoosta hoose ee lafaha saablayda, xigta xagga laf dhabarta ama xangulaha.

muuqaal ahaa waxa ay u eeg yihiin digirta.

shaqooyin aad muhiim u ah ayey inoo qabtaan kelyuhu sida in wasakhda jidhka ay kasaaraan, biyaha badan ee anu jidhku u baahnayn in uu ka saaro, wasakhda waxa lagu uruurinayaa kaadi haystaa kadib halkaas ayaa dibadda looga saara oo loo qashin saarayaa.

marka aad dhinac kale aad ka eegtid waxa ay kelyuhu inoo qaabilsan yihiin in dhiigga ku ilaaliso xaalad degen oo loo yaqaan alkaline haddii uu jidhku xaaladdan iska bedelo oo uu noqdo dhiigu acid haliso badan ayey ku keeni kartaa qof xaaaladiisa.

fiitamiinada samaysankooda qayb laxaad-laxaad leh ayey ka qayb qaataan kelyuhu sida fiitamin D.

marwalba oo qofku uu u baahdo calcium waxa ka horaysa in qofka kor loo qaado fiitamin D-giisa, waayo fiitamiin d waxa uu nuugaa ama uu soo dabaa calcium badan.

QODOBADAN HOOS KU XUSAN WAXA AY AAD MUHIIM UGU YIHIIN KELYAHA :-

1.AHOW QOF FIRFIRCOON OO JIMICSADA.

Jimicsiga joogtada ah waa mid u wanaagsan kelyaha iyo dhammaan hab difaaca jidhkeena.

jimicsiga badan waxa uu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga, waxa uu ka hortagaa dhiikarka iyo xanuunada uu dhiikarku uu keeno.

xanuunada kelyaha iyo xanuunada wadnuhu waa labada xanuun ee jimicsigu uu daawada ka yahay.

2.XADEE HEERKA SONKORTA

dadka lanool xanuunka macaanka ama dadka xaaladaha noloshu ay ku keentay in heerkooda sonkortu aad u sarayso, badanaa waxa sonkortaasi ay dhaawacdaa kelyehooda.

marka dhiiga ay kujirto sonkor aad ubadan, kelyuhu waxa ay isku dayeyaan in ay sonkortaas qashin saaraan, haddii xadiga sonkortu ay badantahay shaqada kelidu qabanaysana aadbay u badanaysaa sababta ugu weyna waxa weeyi sonkorta badan looma ogola dhiigga in ay ku jirto.

shaqadaas badan ee kelyaha ku dhacaysaa waxa ay keenaysaa in sanado badan xaaladan sii socoto marka u danbaysana qofkku ay kelyahu istaagaan.

3.JOOGTEE CABIJRKA CADDAADISKA DHIIGGA.

Cadaadiska dhiigu hadii uu batto waxa ay keeni kartaa in kelyuhu sifudud u dhaawacmaan.

qofka caafimaadka qaba cadaadiska dhiiggiisu waa in uu na ka sarrayn 120/80mm/hg.

qofka cabirkiisu uusoo gaadho 130/90mm/hg waxa aynu odhan karnaa dhiikar halis ayuu ugu jiraa ,waana xilliga la dhihi karo qofkaas waa in noloshiisa iyo sida uu unoolyahay waxbadan laga bedelaa.

xaaladan waa in uu qofku cuntadiisa uu hagaajiyaa oo milixda aad iskaga yareeyaa.

fadlan cadaadiska dhiigaagu haddii uu sarreeyo 130/90mm/hg.

halkan ka daawo sida loo cabiro https://youtu.be/Gmic13mvsgo

4.CABIRKA MIISAANKA IYO ISTICMAALIDDA CUNTO DHEELI TIRAN.

Dadka miisaankoodu uu aadka u sarreeyo waxa ay haliso badan ugu jiraan in xanuunada saameeya kelyaha sida: macaanka, Dhiikarka, Beer-subagga iyo wadne -xanuunka halis ay uguj iraan in ay ku dhacaan .

cuntada caafimaadka u wanaagsan waa cunto leh astaamahan hoos ku xusan sida cunto milixdu ku yartahay ,cabbitaan khudaar dabiici ah oo sonkortu kuyartahay ,biyo badan oo la cabo iyo cunto ubadan barootiin.

cunto sifahaas leh ayaa muhiim ah in aad isticmaashid .

miisaankaaga hadii aad ridaysid oo aad u baahan tahay jimicsiyada miisaanka lagu rido waxa ka mid ah jimicsiga fudud iyo orodka .

halkan ka daawo https://youtu.be/ml6cT4AZdqI

cuntooyin ka halista badan ee aad ka dheeraanaysid waxa ka mid ah cuntooyinka warshaduhu ay sameeyeen kaluunka qasaacadaysan ,biiniska iyo cuntooyinka kale ee warshadaha.

5.ISTICMAAL BIYO BADAN .

Majirto xaqiiqo ka jirta in maalintii ugu yaraa 8koob oo biyo ah in la cabbo ,laakiin waa hiigsi qofku maalinti uu astaysan karo in uu cabbo runtiina waa tusaale fiican .

jidhka qof ka ibnu aadamka ah biyaha uu ubahanyahay maalintii waa ilaa 3.75 litir oo biyo ah .

biyaha badan waxa ay keenayaan in badhxaan milixda badan iyo sonkorta badan ee kelyaha dhaawacaya .

biyaha aad qaadanaysid maalintii waxa saamaynaya cimilada ,lab/dhedig kaadtahay ,deegaanka, cuntada ,jimicsiga iyo sida aad u nooshahay .

dadka kelyaha dhagaxaanta ku leh ,xalka kaliyata ee ay uga hortagi karaan waa in ay isticmaalaan biyo badan maalinti .

6.HA ISTICMAALIN BALWADAHA LA QIIJIYO .

Qiijinta balwaduhu waxa ay saamayn xun ku yeeshaan xididada dhiigga ,taas waxa ay keeni kartaa in dhiiggu uu ku yaraado kelyahay iyo halbawlayaasha kale kadib sifudu ayey u dhaawacmi karaan ,shaqadan u joojin karaan kelyaha iyo wadnuhuba.

100% xubinta dhiigu uu ku yaraado marka hore shaqada ayey gabtaa xubintaasi waxa ayna keeni kartaa in shaqada ay jidhka u haysay halkaas ku baaba’do.

qofka sigaarka qiijiya iyo balwadaha la qiijiyaa nolosha maalmaha ugu danbaysa ama kohorba waxa ay shaqada joojiya kelyaha.

qiijinta balwadaha la qiijiyaa waxa ay kor u qaadaa halista qofku uu ku qaadi karo xanuunak kansarka sanbabada.

7.KATAXADIR XADDIGA XANUUN BAABIIYEYAASHA AAD QAADANAYSID .

Haddii aad qaadanaysid dawooyinka aan waraaqda la isku xidhin ee xanuun-baabiiyeyaasha ah ,waxa sifudud kuusoo gaadhi kara in kelyuhu ay dhaawacmi karaan …..

dawooyinka ugu saamaynta badan ee kelyaha dhawaca waa ka mid ah sida NAPROXEN ,IBUPROFEN IYO DICLOFENAC .

qaadashada dawooyinkan waxa ay halis aad u weyn ku hayaan shaqada kelyaha sidaas ayey halis ugu yihiin caafimaadka kelyaha.

haddii aanad ka maarmayn xanuun baabiiye waxa la tashataa dhakhtarkaaga .

8.4-BILOODBA MAR WAA IN AAD EEGTAA SIDA AY USHAQAYNAYAAN KELYAHAAGU.

Hadii qofku uu ka weynyahay 45 jir ayna jiraan xanuunada kelyaha saamaynta ku yeesha waxa muhiim ah in uu qofku uu eego 4 biloodba mar shaqada kelyaha.

-dadka miisaankoodu aadka uyaryahay.

-dadka la nool xanuunada wadnaha ama hiddo u leh xanunada wadnaha ku dhaca.

-dadka la nool xanuunka dhiikarka ama hiddo u leh xanuunkan .

-dadka miisaankoodu uu ka sarreeyo 75kg.

-dadka xanuun baabiiyaha aadka u isticmaal.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap