Premier League Oo Shaaciyay Lambarka Uu Cristiano Ronaldo U Xidhan Doono Man United

Premier League ayaa u muuqda in uu xaqiijiyay Lambarka Cusub ee Cristiano Ronaldo ee Man United kadib markii uu Website-kiisa ku daabacay magaca iyo Lambarka xiddigu u xidhan doono Man United.

Xiddiga Cristiano oo 36 jir ah ayaa Man United ku soo laabtay jimcihii kadib markii ay Man United saxiixa xiddiga ka hor qaaday kooxda Man City.

Waxa uu muran weyn ka jiray Lambarka uu qaadan doono marka la eego in uu mar walba xidho No.7 kaas oo uu Edinson Cavani u xidho Man United haatan.

Laakiin Premier League ayaa website-kooda ku daabacay Magaca Ronaldo oo uu ku daray Liiska xiddigaha Man United isaga oo uu waliba ku hor qoranyahay Lambarka No.7 oo ah lamarka uu horay ugu xidhan jiray kooxda.