Laascaanood – (warsoor) – Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamud Faarax iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa gaadhay gobolka Sool si uu halkaasi uga bilaabi ololaha diwaan-galinta doorashooyinka Somaliland.
Md. Baashe oo dadweyne ka soo qayb-galay soo dhawaynta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ujeedada safarkiisu yahay sidi uu dadweynaha gobolka Sool ugu dhiiri-galin lahaa diwaan-galinta codbixiyayaasha oo la filaayo in todobaadkan ay ka bilaabanto iyo sidoo kale midnimadda iyo amaanka dadweynaha gobolka Sool.
Munaasibadan lagu soo dhawaynaayey waxaa ka hadlay masuuliyiin iyo madax-dhaqameeyod kala duwan kuwaasi oo dadweynaha gobolka diiri-galinaayey.
Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka ee SOLNA:
This post is also available in:
Somali