REF/XIS/WAD/GER/30/26.04.
KU: Abdirahman Hassan Ali (Hayste ) Germany.
OG: Hogaanka Iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Germany
OG: Hogaanka Qaarada Yurub Ee Xisbiga Waddani UK
OG: Xoghayaha Arimaha Dibeda Xisbiga Waddani Hargaysa.
OG: Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Hargaysa.
Ujeedo: Diidmo Xil ka Tegis.
Tix-raac warqadda ku taariikhaysan 23.04.2017 oo nuxurkeedu ahaa Iscasilaad xilkii gudoomiye xigeenka ee laanta Xisbiga Waddani ee dalka Germany.
Haddaba hogaanka laanta germeny isagoo tixgelinaya duruufaha gaarka ah eed kusababaysay iscasilaada ama xilka tegistaada.
Haddana markaanu eegnay kartida iyo dadaalka, firfircoonida iyo hawlkar-nimada aad xikaaga ku gudanaysay mudadaad xilka haysay,
Markaanu eegnay in xiligan xaasaasiga ah ee aynu hawlaha doorashada gudo gelayno inay haboon tahay inaynu danta caamka ah ka horaysiino danta khaaska, sidaa darteedna aad dib u dhigato arimaha shaqsiga ah.
Waxaanu garanay inaan lagaaga maarmayn kaalintii iyo xilkii aad u haysay laanta germany.
Haddaba waxay hogaanka laantu garteen inaan lagaa aqbalin xilka tegistaa.
Waxaana si xishmadle kaaga rajeynaynaa inaad aqbali doontid siina hayndoontid xilkaagii G/Xigeenka 2aad ee laanta Germany Xisbiga Waddani.
Allaa Mahad Leh
Gudoomiyaha Laanta Germany ee Xibiga Waddani
Hassan Farah Hirsi ( hassan mataan).
This post is also available in:
Somali