Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Xalay Gurigiisa Weerareen Dablay Hubsaysani

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine ayaa ka warbixiyey weerar xalay dablay hubaysane ku qaadeen guriga uu ka dagan yahay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, dablaydan ayaa rasaas ooda kaga qaaday guriga inkasta oo aanu badhasaabku joogin guriga xiliga weerarku dhacay.

Badhasaabka gobolka Sool oo ku sugan magaaladda Hargeysa ayaa shir jaraa’id  oo uu qabtay maanta waxa uu kaga hadlay sida uu weerarku u dhacay waxaanu yidhi, “Xalay saqdii dhexe oo saacadu ahayd 2-dii habeenimo aya niman hubaysan oo ku hubaysan qoryo PKM-yo iyo baasuukayaal ah ay gurigaygii weerareen dhaw rasaar ayay ku rideen oo baasuukayaal ah alle idamkii cid waxba kuma noqon gurigi oo khasaare yari soo gaadhay iyo gaadhigii taliye ku xigeenka oo isna guriga hortaagnaana rasaas baa ku dhacday, dhibkale ma jirto guriga ciidamo badan ayaa ilaalinayay waanay iska difaaceen markaaa nimankii way ka baxsadeen meeshii aniguna xalay ayaa fiidkii kasoo baxya magaalada oo aan hargeysa soo galay”, sidaas ayuu yidhi gudoomiye Mustafe Shiine

Badhasaabka Gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamdda booliska ee gobolka Sool ay waddaan baadhis waxanau yidhi, “Ilaa hadda baadhistii ayaa socoto oo ciidamada ayaa ku daba jira kolay waxana weeyey raga fidmo wadayaasha ah ee aan ogalayn nabadgaliyada iyo jiritaanka qaranka Somaliland iyo waliba horumarka gobolka ka socda, gobolkuna maanta horumar badan ayuu ku talaabsaday dadka deegaanku maanta 80% waxay diyaar u yihiin inay Somaliland la jaan qaadaan oo ay kala qayb qaatan horumarka ka socda, dad diidan horumarka ay dadku hiigsanayaan ayuun baa waxan wada.”

mustafe-shiine

Gudoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine ayaa sheegay in horumarka gobolka uu sii waddi doono waxaanu yidhi, “Anaga ma jirto cid wax na yeelaysaa wax marnaba qorshahayaga badalayana maaha wax amniga aan ku naaloonayna badalayana maaha horumarkayaga ayaan ka shaqaynaynaa waxbana uma aragna waxan ay soo tuurtuurayaan kana daba hadhi mayno cida doonaysa inay khalkhal galiso amniga gobolka iyo dalkaba”, sidaas waxaa yidhi Mustafe Shiine .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.