Diiwaan-galinta Codbixiyeyaasha Somaliland: “HIIL QARAN”

Qaranimada Somaliland ayaa soo martay marxalado kala duwan iyadoo geediga dawladnimo iyo hirgalinta qaranka

deq maqaal

Somaliland malinba maalinta ka dambaysa degayo jabad cusub,  kana soo ruqaansaday marxalado kala duwan iyo cadaadisyo fara badan ha noqdo kuwo dibad kaga yimaada  iyo kuwo gudaha kaga yimaada labadaba’e.

Somaliland ayaa ah dawladda kaliya ee ka jirta geeska afrika ee iyada oo aan haysan aqoonsi caalami ah awood u yeelatay hirgalinta doorashooyin dimuquraadiya, taas oo lagu  badelay hogaamiyaal, laguna doortay qaar kale iyadoo qof waliba xor u yahay fikirkiisa siyaasiga ah iyo cida uu dooranayo.

Indhaha bulshada caalamka iyo kuwa dariskaba arrimaha doorashooyinka Somaliland waxa ay ku noqdeen kuwo lama filaan uga dhex hilaacaya  badhtamaha gobol colaado iyo hogaamiyayaal keli-talis ahi ragaadiyeen.

Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ayaa bulshada caalamka iyo kuwa dawladaha jaarka ahba ka dhigay kuwo si  xeel dheer uga mushaawirooda indhahana ku haya dhaqdhaqaaqa Somaliland, iyadoo ay jiraan qaar ay nabar ku noqtay oo quudhi waayey isu tanaasulka, xasiloonida, dimuquraadiyada iyo awooda shacabka ku dhisan ee ka hirgayshay  dalkan.

Waxaana xusid mudan in Shacbiga Somaliland   tan iyo maalintii ay gooni isu taageen oo iminka laga joogo mudo 25 sano ah ay bulshada caalamka kula doodayeen in ay u qalmaan helitaanka aqoonsi caalami ah  si ay uga mid noqdaan dawladaha ku abtirsada qaramada midoobay, wallow ay bulshada caalamku ka dhaga adaygtay rabitaanka Bulshada Somaliland, hadana kamay daalin illaalinta qaranimada iyo taabo galinta dawladinimo isku-filan oo isbarbar taagta dawlado aan raali ka ahayn jiritaanka waxa loogo yeedho Somaliland.

Sidaas oo ay tahay xilligan aynu joogno Somaliland waxa ka socda Ololaha diwaan-galinta codbixiyayaasha oo hadda laga wado gobolkii afraad oo ah gobolka maroodi-jeex, kaasoo ah gobolka ugu shacbiyada badan Somaliland, isla markaana laf-dhabarta u ah codbixinta Doorashooyinka. Waxa ku xigi doona oo laga qaban doonaa diwaan-gelinta  haddii alle ka dhigo labada gobol ee sool iyo sanaag oo soo afmeeri doono geediga diwaangalinta codbixiyaha ee bilaabmay horaantii sanadka 2016-ka.

Dhamaadka diwaan-galinta ayaa waxa la sugaaba ay tahay natiijada codbixiyayaal ee la diwaangaliyey, taaso marka laga tago siyaasada arimaha gudaha Somaliland oo macneheedu yahay in la sugo tirada codbixiyeyaasha dalka ee  dooran karo masharax( Maddaxwayne,Baarlamaan iyo Deegaan), ayaa  marka dhinac kale laga eego muhiimad weyn u leh Siyaasada arrimaha dibada, iyadoo dhiirigalin doonta qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee  inaga caawiya taabba-galinta  nidaamka  doorashooyinka.

Natiijada kama dambaysta ah ee ka soo bixi doonta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee ku wajahan tirada  dadka  isdiwaangaliyay ayaa noqon doonta laba midkood;-

Waa ta koowaade: mid xoojisa doodda shicibka Somaliland ee ah in ay yihiin dal iyo dad tashaday oo leh dhul baaxad leh iyo bulsho tiro iyo cudud leh oo u qalma in ay ka mid noqdaan dawladaha calankoodu ka dul baabanayo xarumaha goleyaasha caalamka.

Iyo ta labaad oo ah : in ay meesha ka saarto dooddii ay Somaliland kula gorgortamaysay bulshada caalamka taas oo muujinaysa in shacabka Somaliland aanay ka badnayn dad ku nool hal Magaalo oo ka mid ah ama ku taalla wadamada  ugu shacabka yar  adduunka, taas oo hoos u dhigi karta aragtidada togan ee laga aaminsanyahay somaliland.

Sidaas daraadeed,  innagoo og in  diwaangalintu ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha looga baahanyahay inuu isu diwaaangaliyo codbixiye doorashooyinka soo socda, xaqna u siinaysa  inuu wax dooran karo isna la dooran karo,  waxa  aan idinku baraarujinayaa in aad si hagar la’aan ah isu diwaangalisaan.

Anigoo aad u dhaliilsan Aragtida taban ee odhanaysa “Ma codaynayo, sidaas daraadeed isma diwaangalinayo” taasoo dhaawac iyo hagar-daamo ku ah  qaranimada Somaliland,  hantaaqana ku ah  dedaalka komishanka doorashooyinku ugu jiraan hirgalinta doorashooyin xor iyo xalaal ah .

Waxaana  xaqiiqo  biyo kama dhibcaana ah, in qof kasta oo is diwaangaliyaa  kordhin doono tiro  qiimo weyn ugu fadhido qaranimada Somaliland oo maanta qof wal oo muwaadin ah uga baahan hiil qaran.

FG:  shacbiga ku dhaqan gobolada SOOL,SANAAG  iyo BUUHOODLE ee  duruufaha siyaasadeed ee jira awgood ay dhici karto in ay uga maaggaan diwaangalinta codbixiyaasha waxan usoo jeedinayaa in aanay u lumin xuquuqdooda siyaasiga ah ee mustaqbalka iyo tan maanta hor taala aragtiyaha guracan ee saamaynta ku yeeshay siyaasada goboladaas, balse ay ka fikiraan in Madaxweynaha dalku beri ka maalin ka soo bixi karo Goboladdooda, haddiiba maanta ay u nisbaynayaan meel kale.

Gun iyo gunnaanad waxaan akhriste ku soo uruurinayaa Aragtidaydan, Muwaadin Diwaan-gelintu waa Hiil Qaran ee ha u qaadan mid cid gaar ah dan u ah.

Qalinkii:  Deeq Cabdi Cali

Tell: 063- 4475736

Deeqcabdi1@gmail.com

Hargeisa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.