Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyey Mooshin Lagu soo Buuxinaayo Jagooyin Xildhibaano Geeriyooday

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhi ay maanta yeesheen golaha wakiiladda Somaliland ayaa lagu ansixiyey mooshin lagu soo buuxin doono jagooyin ay ka dhinteen Laba xildhibaan oo gobolaha wakiiladda ka tirsanaa.

Laba xildhibaan oo golaha wakiiladda Somaliland ka geeriyood ayaa la waayey cidd soo buuxisa oo ka mid ah kaydkii xisbigii dhacay ee UDUB. Labadan xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayey xildhibaanadda golaha wakiiladdu maanta ka doodeen sidii loo soo buuxin lahaa.

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoominaayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Md. Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaa soo xaadiray 41 xildhibaan.

Guddoomiyaha ayaa golaha ka dalbaday in ay u codeeyaan mooshinka. Golaha ayaa cod aqlabiyada ah ugu codeyey mooshinkan, waxaana sidaasi ku ansaxay mooshinka.