Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka qayb galay munaasibad ka dhacay magaaladda Hargeysa oo lagu xusaayey maalinta dhalinyaradda Somaliland ee UFFO, ayaa ka hadlay saldhiga milatari ee imaaraadka laga siiyey magaaladda Berbera.
Gudoomiyaha oo ugu horayn hambalyo u diray dhalinyaradda, bogaadina u jeediyey xubnaha ka nool dhalinyaraddii UFFO intii dhimatay ilaahay u baryay, ayaa khudbadiiska ku soo qaatay mawqifka uu ka taagan yahay wali saldhiga Berbera, waxaanu sheegay in saldhiga milatari ee imaaraadka laga siiyey Berbera uu ka dhigan yahay ‘BIDAARI SIBIQ BAY KUGU GASHAA’.
HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA CABDIRAXMAAN CIRRO:
This post is also available in:
Somali