Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Ka Qayb-Galay Kal-Fadhigii 22-Aad Ee Golaha Wasiirada JSL, Warbixin Dhamaystiran Oo Uu Siiyey Iyo Go’aamo Ka Soo Baxay

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ee Dawladda Somaliland  Md Sharmarka Axmed Muxumed Geelle, ayaa  ka qayb-gashay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL, waxaanu warbixin dhamaystiran ka siiyey hawlaha shaqo ee ay hay’adda uu madaxda qaranka uga yahay fulisay iyo halka ay haatan wax u marayaan. .

Md Sharmarka Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka qaybgalay shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiiradda Soamliland oo uu shirguddoominaayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu weheliyo madaxweyne ku xigeenka md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), waxaana kalfadhiga 22aad ee golaha wasiiradda Somaliland Warbixin uu halka ka jeediyey ay kaga dhegaysteen  Md Sharmarke Geelle oo sharaxay  warbixin dhamaystiran waxaana md sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey warbixinta uu shirkaasi ka jeediyey iyo waxyaalaha uu kaga hadlay uu yidhi.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-gashay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL, warbixin dhamaystiran oo ay siisay iyo go’aamo kasoo baxay.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay Golaha Wasiirada JSL halkaas oo aan kaga hadalnay; tirada shaqaalaha dawladda , tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

-Intii kulanku socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay Golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu samaysay halkaas oo aan u sheegnay in aan dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

-Ugu dambayn, Golaha Wasiirada JSL ayaa bogaadiyey hawl-qabadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha Dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maalmahan soo bandhigi doonta qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta Insha Allah iyo nidaamka loo maray.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.