MAANSO: FAD-GALBEED (Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (HUN)

Galab Ramadaan ah ayaanu (aniga iyo Cabdi-qays) gaadhi ku tamashlaynay jidka u dhexeeya Kulliyadda Lafoole iyo Af-gooye. Waxaanu sheed ka halacsanay hablo midho ka guranaya beer ay lahayd Warshaddii Khudradda ee I.T.O.P. Mar- kiiba baabuurkii ayaanu joojinay.Gabadhii ugu quruxda badnayd ayaa, iyada oo baraad la’, dabayli gaadday;oo gaaddada u qaawisay intay gareyskeedii gil- gishay. Waxa kaga darraa, annaka oo eegayna bay na aragtay. Kolkaas bay khajishay oo foorarsatay; oo ciddiyaha qaniintay iyada oo il-qoodha naga eegaysa.Waxa aanan weligay illaawayn quruxdii khajilaaddu u kordhisay gabadhii ugubka ahayd. Markiiba jidhiidhico ayaa igu jabtay. Qorraxdii dhacaysayna waxay iigu muuqatay inay degdegayso. Waxa aan is-weydiiyey, tolow ma war naxdin leh oo ay maqashay baa orodka ugu wacan? Mise gabadhan baa ilayskeedii shiikhisay? Mise dayax soo baxaya ayey is-leedahay uga sii dig quruxdan ka wareerisay? Markaan waxba garan waayey, ayaan iyadii toos u waraystay oo aan idhi:

Gabbal-dhaca cadceed-yahay

U sii faano-guratee,

Casar gaaban liiqii

Godka weeraraysaa!

Go’e fuley miyaad tahay?

Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo

Gamasyada shucaacaa,

Gaade kaa horreeyiyo

Gurigaad ku hoyan layd

War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo

Gu’goo shaalka xaytiyo

Fad galbeed la moodaa,

Kolkaad gelin is-dhugateen

Guluubkaagi shiikhoo

Dib-u-guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo

Waxaad galabta mudataaad

Intay goori goor tahay,

Dayax soo lug-gu’i laa

Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee

Iyagoo garaaro leh,

Gaatin-socodka laafyaha

Xarragada u gaarka ah

Goonyahaaga tiiciyo,

Gaardiga daruuraha

Kugu gaaf-wareegee,

Gumucaad ridaysiyo

Goolli-baadh fallaadhaha,

Shafka kaga garaacdee

Isu rogay guduudkee,

Dhiiggooda gobo’liyo

Giirgiirka caadka leh ,

Ku sibbaaqday guudkiyo

Garab-saar-dabtoodii

Maxaa maanta gaasirey?

Miyey kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen

Gobaad haybaddeediyo,

Gantaalaha jacaylkiyo

Kal-gacaylka beereey

Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam

Waxan gocanayaa weli,

Tiiyoo gareyskiyo

Marta debec u gunuddoo

Guranaysa hoobaan,

Oo aan geyaankeed

Geesaha ka filanayn,

Dabayshii gadoodee

Uurkayga garatee

Gaadmada ku qaaddee,

Gosha iyo horaadkiyo

Gaaddada u faydiyo,

Garba-duubka maraday

Durba “geb” isku siisiyo,

Gabbashada xishodka ah

Gorodday lulaysiyo

Ugubnimo-gandoodkii.

Gabbal-dhaca cadceed-yahay

U sii faano-guratee,

Casar gaaban liiqii

Godka weeraraysaa!

Go’e fuley miyaad tahay?

Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo

Gamasyada shucaacaa,

Gaade kaa horreeyiyo

Gurigaad ku hoyan layd

War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo

Gu’goo shaalka xaytiyo

Fad galbeed la moodaa,

Kolkaad gelin is-dhugateen

Guluubkaagi shiikhoo

Dib-u-guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo

Waxaad galabta mudataaad

Intay goori goor tahay,

Dayax soo lug-gu’i laa

Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee

Iyagoo garaaro leh,

Gaatin-socodka laafyaha

Xarragada u gaarka ah

Goonyahaaga tiiciyo,

Gaardiga daruuraha

Kugu gaaf-wareegee,

Gumucaad ridaysiyo

Goolli-baadh fallaadhaha,

Shafka kaga garaacdee

Isu rogay guduudkee,

Dhiiggooda gobo’liyo

Giirgiirka caadka leh ,

Ku sibbaaqday guudkiyo

Garab-saar-dabtoodii

Maxaa maanta gaasirey?

Miyey kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen

Gobaad haybaddeediyo,

Gantaalaha jacaylkiyo

Kal-gacaylka beereey

Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam

Waxan gocanayaa weli,

Tiiyoo gareyskiyo

Marta debec u gunuddoo

Guranaysa hoobaan,

Oo aan geyaankeed

Geesaha ka filanayn,

Dabayshii gadoodee

Uurkayga garatee

Gaadmada ku qaaddee,

Gosha iyo horaadkiyo

Gaaddada u faydiyo,

Garba-duubka maraday

Durba “geb” isku siisiyo,

Gabbashada xishodka ah

Gorodday lulaysiyo

Ugubnimo-gandoodkii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.