Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kormeeray goobta maalinnimada berri ah lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”waxaa ku wehliyey kormeerka uu ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la doortay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana ay u kuur galayeen qaabka loogu diyaar garoobay Munaasabadda Caleema Saarka.

Intii ay ku sugnaayeen Guddoonka Golaha Shacabka hoolka ay ka dhaceyso Munaasabadda Caleema Saarka waxa ay warbixinno ka dhageysteen xubnaha guddiga qaban qaabada Munaasabadda oo ah guddi ka kooban Wasiirro,Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), sidoo kalena waxaa goobtaasi lagu diyaarinayey qaabka masrixiyadda loosoo bandhigayo suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah, isla goobta ayeyna sidoo kale kulan kula qaateen saraakiisha ammaanka iyo guddiga.

Qaban qaabada iyo diyaar garowgeenna waa mid heerkiisu sareeyo maalmahan oo dhanna waxaan u shaqeynay si joogta ah ayuu u sheegay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waa madaxweynihii labaad ee lagu doorto laguna caleemo saaro dalka gudihiisa bur burkii kadib.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.