Guddida Madaxweynuhu u Magacaabay Xalinta Shaqaaqadda Dhankayn-geeye oo Kulan La Yeeshay Maamulka Gobolka Sool

Laascaanood – (warsoor) – Guddidii uu dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u magacaabay inay xaliyaan shaqaaqadda laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay gobolka Sool ayaa maanta magaaladda Laascaanood kulankoodii kowaad kula yeeshay maamulka gobolka.

Kulankan oo ahaad mid albaabadu u xidhan yihiin waxaa markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Shiine waxaanu si kooban u sheegay qodobadkii ugu muhiimsanaa ee ay ka wadda hadleen guddida.

badhasaabka_sool

Badhasaabka gobolka Sool ayaa sheegay in guddidu ay la kulmeen mid ka mid ah laba beelood ee dagaalamay iyo maamulka gobolka Sool sidoo kalena waxa u qorshaysan inay beesh labaadna la xaajoon doonaan.

Md. Mustafe Shiine ayaa sheegay in guddida ay warbixin ka siiyeen halka hawsha nabadayntu u maraysay iyo amaanka magaaladda Laascaanood aad loo adkeeyey oo lagu soo kordhiyey ciidamo kale oo heegan ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka sool ay soo rogeen in magaaladda laga uruuriyo cidii qori ku dhex waddata xitaa haddii yahay askari aan heegan ku jirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.