Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Ee Somaliland Oo Kormeer Indho Indhayn Ah Ku Tegay Xarunta Hay’adda Aafooyinka Iyo Keydka Raashinka Qarinka

Hargeysa (WARSOOR) – Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta kormeer indho indhayn ah ku tegay xarunta Hay’adda U Diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka.

Waxaana ay guddidu la yeelatay kulanno madaxda sare ee hay’adda, iyagoo ka xog waraystay shaqooyinka ay qaranka u qabtaan, adeegyada ay bixiyaan iyo wixii u qabsoomay muddadii ay jireen, waxaana ay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee Hay’adda U Diyaargarawga Aafooyinka Keydka Raashinka Qaranku ay ka kooban tahay.

Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaargarawga Aafooyinka Keydka Raashinka Qaranka ayaa guddida xog ka siiyay adeegayda ay qaranka u qaabilsan yihiin, iyo waxyaabihii u soo qabsoomay intii ay jireen, waxaana uu sheegay inay ku guuleysteen hay’ad ahaan inay sameeyaan xarumaha keydka raashinka qaranka oo laga hirgeliyay gobollada Maroodijeex, Gabilay, Saaxil iyo Togdheer.