Guddida Diwaan-galinta Ururadda Siyaasadda Somaliland oo Laalay Shirarkii Ay Go’aamiyeen Labadda Garab ee UCID

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Diwaan-galinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saareen waxay laaleen shirka aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID oo hogaanka labadda garab oo midba iskii u mudeeyey qabsoomida shirkadda.

Gudoomiyaha Guddida Diwaan-galinta Md. Cabdirisaaq Ciyaale ayaa warbaahinta u akhriyey go’aanka ay ka soo saareen shirarka ay labadda garab ku kala dhawaaqeen. Waxaanu gudoomiyuhu sheegay in la faray labadda garab inay joojiyaan labada shirarka ee ay ku kala dhawaaqeen oo midkoodna aanu waaqafsanay sharciyadda.

Gudoomiyaha Guddida Diwaan-galinta aya sheegay shirka kaliyaata ee la qaban karaa inuu yahay shirkii ku xusnaa qaraarkii ay maxkamadda sare soo saartay ee ay ku go’aamisay in muddo lixdan maalmood ah gudaheed lagu qabto shir aan caadi ahayn.

Halkan ka daawo war-saxaafadeedka Guddida Diwaan-galinta ururadda siyaasadda:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.