Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Salaadii Roobta La Tukaday Dadweynaha Togdheer Kana Qeyb Galay Qalin Jabinta Jaamacada Golis Burco + Mashaariicna Xadhiga Ka Jaray

Burco – (warsoor) – Wefgii Balaadhnaa ee uu hogaaminayey Madaxweyne  ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna  ku simaha Madaxweynaha ayaa saaka Salaadii Roob doonta kala qeyb galay Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco  ee Xarunta Gobolka Togdheer, salaada roob doonta ayaa lagu tukaday Garoonka Kubada Cagta ee Alamzey Statium.

Maayirka Degamda Burco Maxamed Yuusuf Muraad iyo Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Adan Ibraahim (Qabyo-tire) ayaa Madaxweynaha ku xigeenka uga warbixiyey socdaal ay dhawaan ku tageen Deegaanada abaartu saamaysay iyagoo halkaasi ka sheegay qisooyin cibro qaadasho  mudan oo ay kusoo arkeen dhulkii ay tageen, waxaana ay si isku mida u sheegeen in shacabka abaartu ku dhufatay u baahan yihiin gurmar aan loo kala hadhin oo deg deg ah.

Madaxweye ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa oo halkaasi  ka jeediyey hadal hadal isugu jira khudbad iyo duco  ayaa sheegay in loo baahan yahay in gurmad Deg deg ah loo sameeyo dadka abaartu hayso , isagoo ganacsatada iyo shacabka Somaliland ku booriyey inay hawshaasi ka qeyb galaan gargaar dhakhso ahna lala gaadho  dadkaasi , ka xukuumadd ahaana aanay waxba la hadhi doonin  waajibaadkooda ka saaran  ay ka mid tahay inay dadkaasi masuulka ka yihiin gargaar la gaadhaan ,   Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu hoosta ka xariiqay in gacanta ilaahay lagu baahi baxo balse aanay gacan bani aadam waxba tarin, isagoo ilaahay dadka u baryey inuu cirka raxmaad kheyr qaba oo deg deg ah u shubo.

Sidoo kalena  Ku simaha Madaxweynuhu waxaa uu ka qeyb galay qalin jabinta Jaamacada Golis faraceeda Magaalada Burco,  isagoo ugu horaynba u hambalyey  Ardaydii dhamaysatay waxbarashada heerka koobaad ee loo yaqaan (Bachelor Degree)  waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyada Cilmigu u leeyahay  nolosha aadamaha  iyo sida uu uga qeyb qaadan karo horumarka dalka, isla sidoo kalena waxaa uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay Xalaada gurmadka Abaaraha isagoo dadweynaha Somaliland gudo iyo dibad faray in fadhiga looga kaco sidii loo samata saari lahaa maatida iyo caruurta abaartu saamaysay , Madaxweyne ku xigeenku wuxuu  Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii qalin jabisay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa  kulan albaabadu u xidhayan yihiin  Aqalma Madaxtooyadda Burco Kula yeeshay maamulka iyo masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda hoose ee Burco, waxaana ay Maayirka, Xoghayaha iyo Waaxyada Dawladda hoose ka dhegaysteen Warbixin ay kaga waramayeen qaabka ay u maamuleen Mashaariicda Maamul Daadejinta ee JPLG-ga iyo waxyaabihii u qabsoomay madadii ay socdeen mashaariicdaasi, Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi hadal  ka jeediyey ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada uu xanbaarsan yahay socdaalkoodu oo ah kormeerka hamsami u socodka hanaanka maamul da dejinta ee JPLG iyo xaalada xogagaal u noqoshada abaarta, Ugu  danbayntiina waxa uu Madaxweyne ku xigeenku xadhiga ka jaray Labada Waddo oo cusub kuwaasi oo laga hirgeliyey gudaha Magaalada Burco kana mid ahaa Mashaariicda JPLG.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.