Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Ansixiyey Xubnaha Guddida Saxaafadda

Muqdisho – (warsoor) – Fadhigii golaha wasiiradda ee maanta ayaa lagu ansixiyey xubnaha guddida saxaafadda Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood oo iskugu jiray xubnaha saxaafadda madax-banaan, kuwa dawladda, ururadda bulshadda iyo qareeno.

xubnaha_Guddida_Saxaafadda_Somaliya

Xubnaha guddidan la ansixiyey ayaa kala ah:

  1. Cabdiqaadir Maxamed Faarax “Dulyar”
  2. Ismaaciil Sh Khaliifa
  3. Cabdiraxmaan Yuusuf Sh “al-cadaala”
  4. Maxamed Barre X Fiyoore
  5. Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir “saxansaxo”
  6. Cumar Mustafa
  7. Cabdikariim Maxamed Xasan
  8. Falxad Fuleyl X Daahir
  9. Maryama Cabdi Axmed

Sida uu dhigaayo xeerka saxaafadda ee dhawaan la ansixiyey iyo wareegtaddii madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud uu ku meel-mariyey ayaa shaqadoodu noqon doonta sidii ay u marayn lahaayeen arimaha saxaafadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.