Golaha Wakiillada Somaliland oo wax ka Baddel & Kaabis ku Sameeyey Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyey xeerka ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer.Lr.14/2011, waxaana kamid ah qoddobada ay wax ka baddeleen cashuurta Diiwaangelinta ururrada oo markii hore ahayd lacag dhan 150,000,000(Boqol iyo kontan Milyan oo shilin Somaliland),halka ay iminka ka dhigeen lacag dhan 300,000,000(Saddex Boqol oo miyan oo shilin Somaliland)

Dhanka kalene Musharrax Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka xisbiyadda ayaa laga dhigay in aanay laba jeer wax ka baddan isa soo sharraxi karin,halka muddo xileedka Guddoomiyaha Xisbiga laga dhigay laba jeer,balse haddii uu ku guulaysto Madaxweynenimada dalka,mar saddexaad ayaa xeerka lagu sheegay inuu noqon doonno Guddoomiyaha Xisbiga.