Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Kormeeray Sameeyey

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Sool, ayaa kormeeray qaar ka mida goobaha ay ka socoto hawsha tallaalka Covid 19 ee magaalada Laascaanood.

 Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Laascaanood Barkhad Cumar Axmed Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka JSL Mahdi Cismaan Buuri waxa kormeerkiisaas uu ku maaraayay goobaha tallaaka ee magaalada Laascaanood waxa ku wehelinaayay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif iyo masuuliyiin kale.

 Kormeerkaas ayaa salka ku hayay u kuur galeen sida ay hawsha tallaalku uga socoto afar goobood oo ku yaala qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood, iyagoo halkaasna warbixino la xidhiidha sida uu goobahaas uga socdo tallaalka Covid 19, ka dhageystay hawl-wadeeno caafimaad oo goobahaas ku sugnaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa hawl-wadeenada caafimaadka ee ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku mareen uga mahad-celiyay hawsha baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan, waxaanuu ku sii dhiirigeliyay inay hawsha halkaas ka sii wadaan.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa kulan ku saabsan dar-dargelinta hawlaha caafimaad ee gobolka Sool, waxaana kulanaas qayb ka ahaa gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa kulan ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha caafimaad ee gobolkaas la qaatay hawl-wadeenada caafimaadka, kulankaasna waxa warbixino lagaga dhageystay maamula cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo ka warbixiyay xaaladda cisbitaalkaas iyo kaalinta uu ka qaato kiisaska la xidhiidha xannuunka Covid 19.

Ugu dambayn wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Madi Cismaan Buuri oo kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadku wax ka qaban doonto baahiyaha dhanka caafimaadka ee gobolkaas ka jira intii itaalkeed ah, waxaanuu wasiirku bulshada ku nool gobolkaas u soo jeediyay inay iska kaashadaan, sidoo kalena sii xoojiyaan gacan ka siinta wasaaradda caafimaadka dadaalada ku saabsan la dagaalanka xannuunka dunida dhibaatada badan ku haya ee Covid 19.