Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shaqada ka Joojiyay Garsoore

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa 30/03/2021 shaqadii si ku meel gaadh ah uga joojiyay, garsoore Axmed Maxamed Axmed oo ka tirsan maxkamadda degmada Maydh ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa shaqada garsoorenimo ee uu u hayay hay’adda garsoorka ka joojiyay, ka dib markii la daraaseeyay cabashooyin is-xig-xigay oo guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag ka soo gudbiyay garsooraha, sidoo kalena la ogaaday in garsoore Axmed Maxamed Axmed uu galay arrimaha siyaasada ee la xidhiidha doorashooyinka imika socda, kuwaasi oo shaqada garsoorka mamnuuc ka ah.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap