Shaqaalaha Madaarka Hargeysa oo Dalbaday in La Ilaaliyo Bad-qabkooda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shaqaalaha adeegayaasha caafimaad ah ee ka hawl gala goobaga dalka laga soo galo ee baadhitaannada cabbirka xumadda ah ku sameeya dadka dalka soo galaya ee kasoo dhoofa dalalka dibadda ama kuwa jaarka ah ayaa waxa ay walaac weyn ka qabaan xaaladda ay wajahi karaan ee la xidhiidha bedqabka nafahooda maadaama aanay haysan qalab iyo xirfad ku filan aanay lahayn oo ay kaga gaashaaman karaan haddiiba ay la kulmaan dad qaba ama sida Caabuqa Koroona Fayras ee dunida faraha baaas ku haya.

Tan baddalkeeda waxa iyaguna xaalad werwer ah qaba ciidamada ammaanka ee sugan isla goobahan oo iyaga oo aan haysan qalab caafimaad oo ilaaliye ah (Protection Facilities) haddaba gacmahooda ku baadha dadka soo galaya dalka gaar ahaan goobaha kastammada iyo madaarrada dalka ee ay ka soo galaan dadka dalka soo galayaa.

Wariye Cabdishakuur Dayib Maxamed oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala Telefishanka HCTV ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu ku xusay dhacdo walaac leh oo la xidhiidha mid ka mid ah shaqaalaha ammaanka ee ka hawl gala Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal oo xusay sida uu walaaca uga qabo xaaladda cudurka Covid 19 maadaama aanu haysan agab ilaaliye ah oo uu ka xidho dadka uu baadhayo iyaga oo waliba gacmaha ku baadha.

Qoraalka uu wariyuhu baahiyay ayaa sidan u dhignaa: “Mid ka mid ah shaqaalaha Amniga ee ka hawl-gala Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeisa, oo codsaday in magaciisa anan baahin sababo amingiisa la xidhiidha Awgeed ayaa ii sheegay inuu dareemayo halis caafimaad oo la xidhiidha cudurka COVID-19 oo dul hoganaysa shaqaalaha amaanka, maadaama gacmahooda ay ku baadhaan dhammaan dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Cigaal. Marka ay dadkaas oo dhan gacmaha ku taabtaan xilliga baadhitaanka kadib ay haddana bulshada soo dhex-galaan,Taas oo halisteeda yeelan karta. Waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in guddiga loo xilsaaray ka hor tagga cudurka Coronavirus iyo Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda Mudane Farxaan Aaden Haybe, ay si gaar ah ula socdaan arrintan oo nidaam badbaado caafimaad ah u sameeyaan shaqaalahaasi sugaya amniga rakaabka Iyo diyaaradaha” ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Xaaladdan ayaa haddaba u baahan in xukuumaddu degdeg wax uga qabato si loo dhawro bed-qabka shaqaalaha amniga si ay Iyana u badbaadaan dadkooduna u badbaadaan, dhammaanteena aan iska kaashano sidii wacyiga cudurkan kor loogu qaadi lahaa Bulshada. Xaaladdan oo u baahan in xukuumaddu ku baraarugto.

Xigasho: FOORE