Golaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay Howlgalka AMISOM

Muqdisho – (WARSOOR) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya ku booriyay in ay qabato doorashada aan daah laheyn, si loo dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Kulan jimcihii shalay isugu yimaadeen golaha ayay ku meel mariyeen in muddada loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhammaadka sanadka 2021.

Sidoo kale, golaha waxay sheegeen in mas’uuliyadda amniga dalka AMISOM ay kala wareegi doonaan ciidanka xoogga dalka sanadka 2023.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo hey’adaha kale ee dowliga ah. Sidoo kale, waxay walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, golaha ammaanka waxay hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqeen in ay qabtaan doorasho xaq iyo caddaalad ah iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September sanadkii hore 2020.

Golaha ammaanka waxay soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ku talaabsatay iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin howlgalka AMISOM, balse waxay dareen ka muujiyeen khatarta amni ee ay wadaan argagaxisada Alshabaab.