Xildhibaabada Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Sahaminta Shidaalka

Hargeysa – (WARSOOR) – Fadhigii maanta oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanada golahaasi dood iyo falayn qayn ka yeesheen xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021, iyadoo xildhibaanadii dooddaas ka qayb-qaatayna ay ka mid ahaayeen, xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan , Xil Jirde Siciid, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug, kuwaas oo ku dooday in xeerkaasi yahay mid qaranku u baahan yahay, waxaanay shirgudoonka u soo jeediyeen in guddi loo saaaro.

Ugu dambayn shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021 u ku wareejiyeen guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay kaabis iyo wax kabadal ugu soo sameeyaan, isla markaana ay dib ugu soo celiyaan golaaha.