Godoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan la Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Maraykanka

Hargeysa – (warsoor) – Godoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cal Waraabe ayaa kulan qaatay mudo Hal Saac ah la yeeshay Wafti ka Socday Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi.

waftigan oo ay hagaamibaysay Maddax Xafiiska Siyaasada ee Safaarada Maraykanka ee Nairobi FRAN GASKIN ayaa Ahaa kulan Muhiim ah oo Diirada lagu Saarayay Xaalada Guud Somaliland iyo Waliba tan Mandaqada.

faysal-cali

Ugu horayn waxay labada dhinac iska Xog-waraysteen Xaalada Siyaasadeed ee Somaliland, waqtigan ku jirto, isogoo Gudoomiye Faysal uga xog waramay in guud ahaan xaalada Somaliland ay aad u fiicantay waqtigan xaadirka ah, waxaanu Xusay in ay Dabayl Nabadeed ka Socoto Deegaanada Bariga Somaliland Rajo wayna ka muujiyay in Dadaalada Nabadeed ee ka Socda Dhinaca Bariga ay noqdaan kuwa midho dhala Guul la taaban karana laga gaadho si loo xoojiyo Dhismaha iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale waxay labada dhinac si qoto dheer uga wadda hadleen Halka ay marayso U diyaar garowga Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sannadka Soo socda, isagoo warbixin Faah faahsan ka siiyay Sida ay u socoto u diyaar Garowga Doorashooyinkaas iyo Caqabadaha hor taagaan, Isagoo xusay in wax badan oo howl ah laga qabtay U diyaar gorowga doorashooyinka, wax badana ay dhimanyiin,  dhawaanna la kala qaaday labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada ka dib Maran iyo Cabasho ku salaysan Saami qaybsiga Kuraasta wakiilada oo ay Gobolada Qaar ka muujiyeen Saami qaybsigii Hore ee ay u qaybsanaayeen Kuraastu, sidoo kalena waxa uu Dawlada Maraykanka ka Codsaday in ay gacan dhaqaale ka gaysato qabsoomida Doorashooyinku. waxa kale oo uu Gudoomiye Faysal u Cadeeyay Dibloomaasiyiintan Maraykanka ah inuu Rajo wayn ka qabo in ay Doorasho Madaxwayne nimada ee la qorsheeyay Bisha March 2017 inay ku qabsoomi doonto Waqtigii loogu talo galay,maadaama oo ay guul ku dhamaatay Diiwaan galintii Codbixiyayaasha ee ka Socotay Guud ahaan dalka.

Ugu danbayntii waxa uu kulankani kusoo dhamaaday Is afgarad iyo jawi dagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Godoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan la Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Maraykanka

Hargeysa – (warsoor) – Godoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cal Waraabe ayaa kulan qaatay mudo Hal Saac ah la yeeshay Wafti ka Socday Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi,