Abu Dubai (warsoor) – Sida lagu sheegay War-murtiyeed uu Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Soo Gaarsiiyay Afhayeenka Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdullaahi Xaashi “Roob Da’ay”, Shir ay Madaxweynayaasha Labada Dowlad Gobleed ee Puntland iyo Galmudug ku yeesheen Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ay isku afgarteen Heshiis ka kooban Shan Qodob, kaas oo lagu joojinayo Colaad Magaalada Gaalkacyo.
Qodobada Lagu Heshiiyay Waxaa ka mid ah in si dag dag ah Xabadda Loo joojiyo, iyo in kulan dag dag oo lagu soo af-jarayo colaadda Gaalkayo ay 20-ka Bishaan isugu yimaadaan Magaalada Kismaayo.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in kulanka Labada Madaxweyne ay sidoo kale Goob-joog ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hir-Shabeelle.
Lifaaqa Hoose Ka Daalaco Qodobada lagu heshiiyay Ee ku Xusan War-Murtiyeedka.
Xigasho: Sonna
This post is also available in:
Somali