Muqdisho – (warsoor) – Waxaa caado ama dhaqan ah in umada kasta oo ku nool Dunida ay leedahay waxyaabo u suurtagaliyay in ay qaataan nuucyo ka mid ah habraaca nidaamyada aasaasiga ah ee lagu maamulo dal iyo dad. Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ,gaar ahaan kuwa muddo kooban ku soo jiray ama lagu maamulaayey xukun dowladnimo oo rayid ah mid ciidan oo keli talis ahaa iyo xukun lagu soo doortay hab baarlamaan.
Hannaanka federaalka waa mid ka mid ah nidaamyada ama tiirarka lagamamaarmaanka ah ee ay ku dhaqmaan Shucuubta dalal ka tirsan caalamka, wuxuuna qaab ahaan u taagan yahay dhismaha Maamul Dowladnimo oo ka soo bilowda gunta hoose ama heer degmo illaa heer gobol, kaas oo bulshadu wadaageyso dowlad dhexe, dowlad goboleedyadana ay u madax bannaan yihiin maamulkooda hoose.
Dalal kamid ah caalamka oo lagu tiriyo in ay faraha kula jiraan siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in waqtigaan aan la sameyn Karin dowlad adag oo la mid ah kuwii soo maray dalka,kadib burburkii dowladnimo ee dhacay, isla markaana sababay kala shaki iyo midnimo guud oo la waayo, iyadoo dhiirigalisay in ay abuurmaan kooxo iyo qabiillo sameystay maamullo qeyb ka ah Soomaali weyn iyo kuwo gooni isutaag ah, waxayna dalalkaasi oo isu muujiyay saaxiibada Soomaaliya ay doorbideen in marka hore dalkaan lagu tijabiyo habka federaalka, kadibna lagu dhaqaaqo qaadashada nidaamkii kale ee ay u baahdaan dadka Soomaliyeed.
Xigasho: sonna
This post is also available in:
Somali