FAALLO:-Heshiiska Dekadda Berbera, Ma u Danbaa Midnimada Shacabka Somaliland!!!. W/F. Cawaale Nuur Alaale

Sida aynu ka war qabno waxay mudo ilaa sanad iyo badh ah xukuummadda somaliland ka shaqaynaysay siday u wareejin lahad dekeda berbera hadaba waxa is waydiin leh arinka ma xukuummadda ayaa go’aansatay misewaa arin ay dabada ka riixayaan ganacsato xukuummadda ku dhex milmay oo qaab beeleedna u abaaulan doonayana in ay faa’iidada buuranee dekeda kasoo xerootaa jeebadooda ku dhacdo dhanka kalena ka.baxsanaya cashuurtii laga qaadi jiray,

as

Ilaa iminka xogta soo baxday waxay sheegaysaa oo cadaynaysaa inaan si toos ah shirkada DP-WOLD ula wareegaynin dekeda balse ay dekeda gacanta ku qaban doonto shirkad cusub oo laga samaynayo somaliland iyadoo cida heshiiska wada geli doontaana noqon doonaan labada shirkadood  siday u kala maalgelinauaana sidan tahay DP-WOLD waxay gelinayso qadar lacag ah oo dhan $200 oo million halka $242 million ay gelinayaan niman ganacsato ah  oo hormuud u ah shirkada cusub ee laga samaynayo gudaha somaliland, iyadoo ay dekeda maamulkeeda iyo dhamaan hawlaheeda gacanta u qaban doonaan shirkada cusub ee laga samaynayo somaliland taasoo noqonaysa budhcadnimo iyo xigtaysi la kala xigtaysanayo xoolihii ummadda arinkuna yahay in dekeda ganacsato gooni ah ka xigsadaan ummadda kale shirkadan cusub ee la samaynayaa waxau la mid tahay shirkadii foojariga ahaydee uu samaystay wasiirka madaxtooyadda beriguu ahaa wasiirka duulista iyo hawada shirkadaasoo shacabka loogu sheegay shirkad laga leeyahay dalka CHINA magaceeduna ahaa “CHINA HORN GROUP” balse fashilantay markiiba ka dib markii la arkay shirkadii la yidhi waa caalami oo madaarkii keeryoonlayaal ku buux buuxinaysa tan cusub ee la samaynayaana waxay la mid tahay tii lagu lunsaday $10 million oo loogu talo galay in lagu hagaajiyo madaarada somaliland,

Waa ayo ganacsatada dabada ka riixaysaa hawsha?

intii xisbiga kulmiye talada dalka qabsaday waxa soo baxay koox caadaysatay boobka hantidii ummadda kooxdaasoo ah koox isku xidhan oo ay kala hogaaminayaan labadan garab

Dahabshiil . Ina xarbi iyo ilma indhadeero oo garab ka helaya wasiirada xukuummadda iyo qoyska madaxwaynaha halka garabka kalena ay hogaaminayaan ganacsade , omaar ganacsade ina aw-siciid ganacsade  rashiid ibraahim ciise  iyo ganacsadaha indho-birta oo isku dhinac ah kuwaasoo garab ka helaya wasiiradii maaliyadda iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi ganacsataas marna waa isku dan oo wax bay wada boobaan marna waa kala dan oo wax bay kala boobaan hantidii ummada ka dhexaysay waana nimanka qaatay dhamaan goobihii danta guud ahaa ee dalka iyagoo ku hantiyey sife sharci daro qabyaalad iyo qoysnimo salka ku haysa  xogaha ilaa iminka soo baxayaana waxay tilmaamayaan in ganacsatadani yihiin kuwa dabada ka riixaya wareejinta hantida keliya ee qaranku wada leeyahay oo ah dekeda berbera iyagoo sidookalena ah ragga la leeyahay waxay gelinayaan $242 million,  hadaba markay sidaa tahay waxa muuqata in xukuummadda kulmiye cid gaar ah dawlad u tahay oo dhisayso dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan hantidii ummaddan cid gaar ah gacanta u gelinayso taasoo khatar ku ah jiritaanka somaliland iyo is aaminaadii bulshada maadaama labo reer si badheedha ugu tagri faleen awoodii qaranka gacantana ku dhigeen dhamaan dhulkii ummadda ka dhexeeyey shaqaalihii qaranka mashaariicdii qaranka iyo iminka oo ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan dekedii qaranka taasoo laf jab ku ah ciidamada furinta jooga oo mushaharkooda laga bixiyo dakhliga dekeda kasoo xerooda,

Dhanka kale xukuummaddu awood sharci uma leh in ay wareejiso dekeda maadaama ay tahay xukuummad wakhtigii ka dhacay mudadii yaradee loo kordhiyey si ay doorasho u qabataana tahay gabaabsi oo sii dhamaanayso dhanka kalena baarlamaankii yahay mid xaaraan ku fadhiya oo dhowr goor mudo dhaafay iminkana wakhtigii loo kordhiyey kasii dhamaanayo sidaa markay tahay ee xukuummaddii waaxdii sharci dejinta iyo waaxdii fulintuba xaaraan ku fadhiyaan ma.gelikaraan wax heshiisa mana wareejinkaraan wax hanti qaran ah,

 Shacabka somaliland maanta labo mid uun bay noqon

Ama way adkaan oo wax jira ayey ahaan ama waa la gumayn oo dib loo arki maayo!

Cawaale nuur alaale-degree in political science,

Borama somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.