Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Qorfaha Ama Qorofalka (Cinnamon)

Qorofalku ama qorfuhu (cinnamon) waa dahaadhka / qolofta sare ee geed sannadka oo dhan cagaaran oo ka baxa deegaannada uu maro dhul badhuhu. Waxa uu ka mid yahay xawaashyada caanka ah ee cuntada udugga iyo dadhadhanka macaan u sameeya, sida oo kalan jidhka u leh faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan.

Qoraaga Galina Datsenko ayaa maqaal ay qortay, oo ay shabakadda Aljazeera soo xigatay. Waxa ay ku sheegtay faa’iidooyin caafimaad oo uu leeyahay qorofalka ama qorfaha oo taariikhihii hore ahaan jiray cunto dadka maalqabeenka ah oo keliyi qiimihiisa iibsan karaan. Haddaba faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay waxaa kam id ah:

Waxa Uu Yareeyaa ‘Infammation’ Ka:

Inflammation waa xaalad jidhka qeyb ka mid ah ay lurto ama balbasho, wuuna ka duwan yahay caabuqa ama infekshanka.
Tusaale ahaan haddii meel jirkaaga ka mid ah, la dharbaaxo way soo barartaa, wayna kululaataa, midabkeedane wuu is badalaa, wayna daqnataa, taasi waa Inflammation.

laakiin dadaalka uu jidhku iskaga difaacayo caafimaad darro dibada ka timaada ayaa waxaa dhacda inuu dadaalkaasi ku keeno xanuun ah boogo iyo midab doorsoon gubasho u eeg, cuncun, caabuq iyo xitaa marmarka qaarkood in jidhka meelo ka mid ah qudhmaan. Waxaana marka dambe ka dhasha xanuunno tiro badan oo qaarkood ay khatar yihiin.

Haddaba qorofalku waxa uu awood u leeyahay in uu jidhka ka saaro mariidka ama sunta ka samaysanta cuntada oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee keena ‘Inflammation’ ka. Waxa kale oo ku jira curiyeyaal awood u leh in ay tirtiraan raadadka ‘Inflammation’ ka jidhka oo dhan.

Waxaa laga helaa Kaalshiyaam

Kaalshiyaamta waxay lagama maarmaan u tahay ilaalinta caafimaadka neerfayaasha, lafaha, murugyada iyo wadnaha.

Xanuunka midhiricarada ku dhaca ee IBS:

Waxaa jirta xaalad caafimaad oo magaceeda afka ingiriisiga loogu soo gaabiyo ‘IBS’. Waa cillad ku timaadda midhicirada weyn, oo sababta dhibaatooyin ay ka mid tahay; caloosha oo qofka la maroojiyo, amateedka / doonista cuntada oo ka lunta, dibbiro xanuun wadata, naqas badan oo caloosha buuxiya, xab saxarada la socda, moxogga oo aad u xanuuna, shuban, caloos istaag ama labada oo si is xig-xigta isu bed-beddela.

Marka laga tago xaaladahaas hore ee lagu arko qofka xanuunkan qaba. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay waajib tahay in qofku uu dhakhso dhakhtar ugu tago haddii uu isku arko, dhiig xagga dambe ka yimaadda, xanuun joogto ah, siina kordhaya oo uu isku arko habeenkii ama marka uu seexdo iyo miisaanka oo sabab la’aan si aan dabiici ahayn hoos ugu dhaca.

Xaaladda xanuunkan IBS ka oo ay dadku aalaaba fududaystaan, haddii aan la daweyn waxa uu marka dambe keenaa, babaasiir ka dhalata shubanka badan ama calool istaagga badan. Nafaqo darro iyo qulub iyo xaalad nafsi ah oo qofku isku arko.

Maaddooyinka lidka mariidku waxa ay caawiyaan awoodda uu jidhku u leeyahay dib u cusboonaysiinta unugyada. Waxa kale oo uu maqaarka ka caawiyaa in aanu midab guurin, isla markaana lumin muuqaalka dhalinyaranimada.

QAABKA LOO ISTICMAALO:

Qorofalka waxaa lagu daraa roodhida , kimista iyo noocyada cuntooyinka daqiiqda iyo budada laga dubo, waxaa lagu sameeyaa shaaha waxaana lagu dari karaa noocyo kala duwan oo ka mid ah cuntada marka hore macaanka (Sonkorta) leh.

Digniin

Inkasta oo ay qormadani si tafatiran uga warramayso faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo geedka qorofalka/qorfaha, sida oo kalana la helayo daraasado tiro badan oo ka marag kacaya faa’iidooyinka maqaalkani sheegayo in qorofalka laga heli karo iyo kuwo ka sii badan.

Haddana waxa aan ka digayaa in aan qorafalka loo qaadan in uu yahay dawo rasmi ah oo lagaga kaaftoomi karo daweynta xanuunnada aynu soo xusnay.

Dawada iyo talada dhakhtarka ayaa mar kasta ka tixgelin mudan Qorafalka/qorfaha.

Diyaariye: KAMAAL MARJAAN