Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane oo La Kulmay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS)

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan hawlgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowladda kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada laga xorreeyay argagixisada.