Faahfaahinta Qaraxii saaka ka dhacay Degmadda Xamar Ja-Jab

Muqdisho – (warsoor) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii saaka ka dhacay meel u dhow Xafiiska Laanta Canshuuraha ee agagaarka Dekedda ee Degmada xamar jab Jab ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari nooca loo yaqaan Hoomeeyda ama caasi ayaa ku qarxay goob ay ku qaxweynayeen dad ku sugnaa geedaha hoostooda, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Booliska Gobolka banaadir G/sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa SONNA u xaqiijiyaya in 11 Qof ay ku geeriyoodeen Qaraxaasi tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

kharaxa-muqdisho

Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo u geystay dhismayaasha goobta ku yiilay waxaana meesha ka muuqatay Bur-bur xooggan oo uu sababay Qaraxaasi kooxda Arga-gixisada Al-shabaab ay ka danbeysay.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.