Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Martiqaad Rasmi ah oo uu Ka Helay Dawladda Kenya Safar ugu Baxay Nayroobi

Kenya – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya isla mar ahaantaana halkaas kaga qeyb-galay xuska maalinta 11aad ee Qoomiyadaha dalkaasi, ayaa shalay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda dalka Kenya ugu ambabaxay magaalada Neyroobi ee xarunta dalkaasi.

Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka guddoomiye Cirro, balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhow, ayaa sheegaya in guddoomiyahu uu safarkaas ku tagay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Kenya, waxaana ay wararku tibaaxayaan in uu halkaas ku soo sugnaan doono muddo kooban isla mar ahaantaana uu kulamo gooni gooni ah la soo qaadan doono Madaxda dawladda dalka Kenya oo ay uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Kenya oo la filaayo in ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya xidhiidhka Somaliland iyo dalka Kenya iyo weli ba sida oo kale siddii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka diblomaasiyaddeed ee dalalka Somaliland iyo Kenya.

nin

Geesta kale, wararku waxa ay sheegayaan in sida oo kale Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu halkaas iyaga na kulamo gaar ah kula soo yeelan doono deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, diblomaasiyiinta reer Galbeedka u fadhiya halkaasi iyo weli ba sida oo kale ganacsato iyo qeybo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee halkaas ku dhaqan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.