Duqa Magaalada Muqdisho oo sheegay inay dad badani la Ildaran yihiin Caabuqa Covid-19

Muqdisho – (WARSOOR) – Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in cudurka coronavirus ay dad badan ugu ildaran yihiin gudaha magaalada caasimadda ah, halka qaar kalana ay u dhinteen kuwaas oo qaarkood uu isaga laf ahaantiisa yaqaan.

“Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku in aanay ka warqabin cudurkaas waa soo gaaray dad badan ayaa u ildaran qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo…qaar aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay oo qaarna la aasay qaarna aan hadda weli la aasin arrintaas marka waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Cumar Filish, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay halis weyn oo ah in dadka magaalada ay ka feejignaadaan oo ay qaataan tallooyinka caafimaad guryahoodana ay joogaan.

Walwal iyo walaaca ayaa ku sii kordhay dadka ku nool magaalada Muqdisho kaddib markii cudurka coronavirus uu isbitaal magaaladaas ku yaal ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya cudurkaas ugu dhinta.

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay 12 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.

XIGASHO: BBCSOMALI