Abaanduulaha Ciidamada Milatariga Somaliland oo Tababar u Xidhay Ciidamo

Laascaanood – (WARSOOR) – Abaanduulaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareege guuto Cabdirisaaq Afgaduud ayaa khamiistii tababar u soo xidhay dufcaddii 2-aad ee ka qalin jabisa dugsiga tababarka ciidamada milatariga Samakaab ee gobolka Sool.

Ciidamadan oo tiradoodu dhameyd dhawr boqol oo askari oo laga soo kala xulay afar gobol oo kala ah: Gobolka Buuhoodle, Gobolka Saraar, Gobolka Xaysimo, iyo Gobolka Sool sida uu sheegay Taliyaha gobolka Sool Gaashaanle sare Cali Barre.

Hogaanka tababarka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Cali (Tansaani) ayaa u hambalyeeyey ciidamadii dhamaystay tababarka waxanu sheegay in laga bilaabo maanta ay yihiin ciidamadan dhameystay tababarka Dable buuxa.

Tababarkan waxaa soo xidhay Abaanduulaha kowaad ee ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaale Sare Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afgaduud) waxaanu sheegay in tababarku uu kaalinta koowaad kaga jiro horumarinta ciidamada.