Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shir Caalami ah

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirka Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika oo looga hadlayay arrimo muhiim ah, waxaana shirku ahaa heer wasiir.

Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Saaxiibada kale ee ka ka tirsan Bangiga Adduunka, waxaana looga hadlayay Barnaamijka Hindise Horumarineed oo muhiim ah, looguna tala galay isku xirka fursadaha waddamada Geeska Afrika oo dhan.

“Maanta waxa aan ka qeyb galay shirka Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) oo ahaa heer Wasiir, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Saaxiibada kale ee ka ka tirsan Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD. Barnaamijkaan waa Hindise Horumarineed oo muhiim ah kaasi oo loogu tala galay isku xirka fursadaha Geeska Afrika oo dhan”. Ayuu yiri Wasiirla Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle