Guddoomiye Mursal oo ka laabanaya go’aankii uu kulamada uga mamnuucay 15-ka Xildhibaan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in uu ka laabto 15-kii Mudane ee dhawaan muddo 5 kulan ah uu ka joojiyay inay ka qeyb galaan Kulamada Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Mucaaradka uu dhex-maray kulan saacado badan qaatay ka hor Kulankii Maanta, isla markaana Mursal uu aqbalay in uu Go’aanka ka laabto.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gudodomiyaha Golaha Shacabka uu soo sari doono qoraal kale oo Xildhibaannada loogu ogolaanayo inay ka qeyb galaan fahdiyada Baarlamaanka .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan uu dalabaday Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis & Nabadsugid si Xildhibaannada Kulamada uu ka joojiyay ay u celiyaan.