Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo soo saaray eedeyn ka dhan Madaxda muddo xileedkooda dhamaaday

GAROOWE- (WARSOOR) – Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujiyeen in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu.

Warka kasoo baxay labada maamul ayaa laga digay in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keenikaro in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco. Ugu dambeynti, waxaan cadeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo tub lays la oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.