Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland, hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa isla qaatay in doorashadda dib loo dhigay
Kulankan waxaa doorashadda dib loogu dhigay muddo todoba bilood ah. Doorashadan ayaa la go’aamiyey in la qabto 10 October 2017.
Kulankan waxa sidoo kale lagu go’aamiyey in mar lawadda qabto doorashadda golaha deegaanka iyo golaha wakiiladda Somaliland, waxaana la isla qaatay in la qabto 10 October 2018.
Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto ku soo saaray heshiiskan dib u dhiga doorashadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:
“Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka
Arbaca, 25/01/2017
Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:
- In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
- In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.
Saxeexayaasha:
- Mudane, Faysal Cali Xuseen ………………………………………
Guddoomiyaha Xisbiga UCID
- Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ………………………………………
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani
- Mudane, Muuse Biixi Cabdi ………………………………………
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
- Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame ………………………………………
(Goob joog) Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka
Allaa Mahad Leh,
Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Halkan ka daawo warkan:
This post is also available in:
Somali