Wasiirka Duulista Oo Ku Dhawaqay In Wasaaradiisu Hirgalisay Raadaal Lagula Socdo Diyaaradaha Mara Hawada Sare Ee Somaliland iyo Wakhtiga Bilowga Dib U Dhiska Madaarka Burco

“ilaahay qorshaha noogu suurto geliyay  Inaanu  keenay  qalabka Raadaalka (Air Radar)  oo aanu kula socono hawada sare ee dhamaan Diyaaradaha hawadeena soo galaya, marka laga reebo kuwa militeryga,”Wasiirka Duulista

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa Bayaamiyey  Raadaal ay Wasaaradiisu rakibtay oo ay kula soconayso Diyaaradaha Rayidka ee soo gala Hawada Sare ee Somaliland, sidoo kale Wasiirku Shirjaraaid oo kaga hadlaayey arintaa oo uu saaka qabtay ayaa waxa uu ku sheegay, dib u dhiska Madaarka Burco oo ay u qorshaysnayad Sanadkan horaantiisa, ay dib ugu dhacaday bisha Sadexaad ee Sanadkan, waxa kaloo shirkaasi jaraaid Saxaafadu, Su’aalo kaga waydiisay Arinta Madaarka Berbera ee Saldhiga Milatari.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-“Waxa aan idiinku yeedhay, waxa uu ku talo galka qorshahayagu ahaa inaan bilowno dhismaha Madaarka Burco oo aan horena u sheegnay si aanay noogu noqon arin intaanu TVyada iyo ilaacadaha ka sheegnay aanu ka gaabinay, qorshahaa abaarta awgeed waxaanu dib ugu dhignay bisha March hadii Allaha awooda leh ogolaado inuu bilowgiisu noqdo in la bilaabo Runway-ga iyo dhismihii Madaarka Burco, waayo hore waxaan u shaacinay inay January noqonayso badhtamaheeda ama dhamaadkeeda laakiin duruufahaa abaarta awgeed ayay nala noqon wayday inaan imika samayno oo u baahan tabaabulsho badan, oo tabaabulshihiisuna imika diyaar noo yahay, markaa taa waxan ku war gelinayaa anago guddidii horumarinta Madaarka Burco iyo  qoladii aanu qandaraaska siinay iyo ka wasaarad ahaanba isla eegnay in ku talo galkayagu yahay bisha March in la bilaabo bi,idmilaahi tacaalaa.”

Wasiirku isagoo ka hadlaaya Raadaal ay kula soconayaan Diyaaradaha mara Hada Sare , ayaa waxa uu yidhi:-“Waxa kaloo aanu ka wasaarad ahaan soo kordhinay alxamdulilaah ilaahay qorshaha noogu suurto geliyay inaanu keenay qalabka Raadaalka (Air Radar)  oo aanu kula socono hawada sare ee dhamaan Diyaaradaha hawadeena soo galaya, marka laga reebo kuwa militeryga, weli kuwa militeriga hawshooda waan ku jirnaa awoodeeda iyo farsamadeeda laakiin waxaanu umada Somaliland ugu bushaaraynaynaa in imika laga bilaabo aanu awood u leenahay inaan lasocono dhamaan diyaaradaha hawadeena soo galaya ee rakaabka jiha kasta haka yimaadaane taasna waxaanu ugu jeednaa horumarka ay wasaaradu samaynayso.”

Wasiirka oo ay warbaahintu wax ka waydiisay dhaliilo ay u soo jeediyeen qaarka mida siyaasiyiinta arinta saldhiga militeriga berbera ayaa kaga jawaabay :- “ anigu nin hadlay waxba  difaaci maayo laakiin talo ayaan u soo jeedinayaa gaar ahaan ina Buubaa anigu isna difaaci maayo jawaabna siin maayo ee waa talo uun baan siinayaa waxaan leeyahay in badan ayaad dalka ka maqnayd oo aad u xalinaysay federal iyo arimo kasoo horjeeda jiritaanka iyo horumarka Somaliland hadh iyo habeen geed kasta u gashay, mar hadaad timi maanta waan kusoo dhawaynaynaa ee noqo oday Somaliland ah oo horumarkaasi waa kii markii horeba aad ka carartaye hadana ka daa hagar daamada.”

Dhanka kale warbaahintu ayaa waxka waydiisay bixinta saldhiga militerga Bebera oo uu hore u sheegay wasiirka arimaha debada inay wadamada jaarka qaar walaac ka qabaan wasiirka oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:- “horta wixii arimaha militeriga ah, waa wax military ku taxaluqa, wixii arimaha debada la xidhiidha waxa ku shaqo leh wasaarada arimaha debada, anaga ka wasaarad ahaan waxay naga soo galaan Madaarada wasaaradan ayay hoos yimaadaan maadaama ay wasaarada hoos yimaadaan hadii cidkale manaafacaad sigiisa dawladu doonayso inay hawl kala gasho, waajib saran weeyaan wasaaradani inay kaalin mug leh ku yeelato. Laakiin mid ayaan bulshada usoo jeedinayaa labo shaybaa isu keen dhinac yaal hadii aynu doonayno inaynu cabsi darted, aynu aduunka iska soo oodno oo aynu albaabada soo xidhano, waa dariiq inoo furan, hadaynu doonayno inaynu aduunka isu bandhigno oo aynu dad jira nahay oo fakhriga, shaqo la,aanta iyo liidashada ka baxnana dee xukuumada in la garabo duubo maahee, waa inaan aduunka la macaamilaa, waa labo doorasho oo inaga inoo yaala dawladuna ka saxa ah ayay qaadanaysaa, ka saxa ah inay kusocotaana waa waajibkii loo doortay ee Madaxwaynuhu hormoodka u yahay, markaa waxaan leeyahay waar Golayaal baynu leenahay Xukuumad cod lagu soo doortay baa jirta xukun Military Dalka kuma haysato Golayaal baa jira xeer dejina oo la xisaabtamaya Madaxwaynuhuna waxa uu balan qaaday inuu kuwaa marinaayo waxaan leeyahay cida hadlaysaa ha aaminto ciday soo dooratay xukuumad bay soo dooratay golayaal bay soo dooratay wixii kasoo baxa hadii madaxwaynaha loo ogolaado alxamdulilaah hadii loo ogolaan waayo na alxamdulilaah oo xukuumadu kuma ciil qabto waxay u aragtaa uun wax golayaashi maslaxad kale u arkeen. Hadii arinka saldhiga military xumaynayo xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland cidkale kamaanaan doorsaneen ee waxaanu ognahay inay dawlada Ethiopia kalsooni badan ku qabto arintaa wixii ku xidhan asbaabo ee laga wada hadlayna  xalkeedii la gaadhay wax dareena oo dawlada Ethiopia ka qabtaa oo imika taaganina aanu jirin.”

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Tel: 063 4424571

U Gaar ah cidii War u baahan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.