Baydhabo – (warsoor) – Maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa 7 xubnood u doortay aqalka hoose ee Baarlamaanka maamul Gobololeedka. Doorashadan oo maanta la soo gabo-gabeeyey, ka dhacday magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
Todobadda Xubnaha ee ku guulastay doorashadda oo uu ayaa kala ah ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya 1) Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, 2) Foosiya Maxamed Sheekh, 3) Ibraahim Isaaq Yarow, 4) Daahir Cabdi (Dr. Go), 5) Shariif Maxamed Cabdalla, 6) Cabdiwahaab Ugaas iyo, 7) Cabdiqaadir Shariif.
Guud ahaan tiradda kuraasta loo tartamaayo ee maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa dhan 69 kursi. Doorashaddan ayaa socon doonta muddo saddex maalmood ah.
This post is also available in:
Somali