Dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Jubbaland

Jubbaland – (warsoor) – Tuulada Yaaq-bishaaro ayaa Cawa waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii Shabaabku ay isku dayeen inay xoog kula wareegaan xoolo ay dadka deegaanka lahaayeen.

dagaalkan ayaa la tilmaamay in uu geystay qasaaro labada dhinac ah, waxaana dhaq dhaqaaq ciidan uu ka socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la qorsheynayo in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ay duulaan ku qaadaan deegaannada dhaca dhanka galbeedka Kismaayo.

tuulada Yaaq-bishaaro ayaa magaalada Kismaayo waxa ay u jirtaa qiyaastii 60 km waxaana maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ay dooneysaa inay dhibaateeyaan dadka xoolo dhaqata ah ee halkasi ku nool, kuwaasi oo sameeyay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeyn ka geystay saldhig ay ku uruursanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaala deegaanka Kamjaroon oo 90 km qiyaastii u jirta magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii kooxda Al-Shabaab ay 16 qof oo reer guuraa ah ay ku gowraceen tuulada Feersagaaro oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay shabaabku kula dagaalamayaan dadka deegaanka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.