Duqeyn loo geystay Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Tuulo u dhow deegaanka Janaale

Muqdisho – (warsoor) – Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay xalay sakhdii dhexe weerar Duqeyn ah ka geysteenteen Tuulooyinka Hanti wadaag iyo Waaya-arag  oo ilaa 6-km u jirta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay Saldhig ku leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ibraahim Aadan Cali (Najax) oo SONNA u xaqiijiyey Duqeyntaasi ayaa dhanka kale sheegay ineysan haynin faahfaahinta khasaarihii loo geystay Maleeshiyada Al-Shabaab iyo weliba cidda ka dambeysay weerarkaasi.

Dadka deegaanka ayaa iyaguna sheegay iney maqleen dhawaqa Duqeymaha, taasoo muddo kooban socotay.

Horjoogayaasha Al-Shabaab iyo maleeshiyadooda oo ku dhuumaaleeysanaya dhulka baadiyaha ee qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa baacsanaya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Shesheeye kuwaasoo weerarro qorsheysan horey uga geystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.