Culimo Ku Hubeysan Saanad Milatari oo Xoog Ku Qabsaday Masaajidkii Muranku Ka Taagnaa ee Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Culumaa-uddiinka Timo-weynta oo ku gaashaaman hubka noocyaddiisa kala duwan, ayaa goor dhaweyd xoog ku qabsaday sida oo kale na la wareegay Masaajidkii Sheekh Isxaaq ee magaalada Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka taagnaa muran khuseeya dhinaca gacan ku haynta maamulka ee Masaajidkaasi.

Culumaa-uddiinkan, ayaa ka cadhooday go’aan ka soo baxay guddi xalinaysay khilaafka dhinacyada isku hayey gacan ku haynta masaajidkaasi oo maanta iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Maayirka Berbera, Maareeyaha Dekadda, Badhasaabka Gobalka iyo guud ahaan madaxda gobalkaasi ay ka dib markii ay eegeen markhaatiyaddii iyo cadeymahii ba ay u xukumeen reer Xaaji Yuusuf Iimaan in ay masaajidkaas iyagu ay gacanta ku hayaan.

Masaajidkan oo haatan ay gacan ku hayntiisa Saanad Milatari kula wareegeen culimada Timo-weynta oo gudaha ugu jira, ayaa wararka xog-oggaalka ah ee aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in culimada Timo-weynta uu la safan yahay badhasaabka gobalkaas Md.Jaamac Waal oo ogalaaday in culimadaasi ay xoog ku qabsadaan Masaajidka Xaaji Yuusuf Iimaan.

Illaa hada ma cadda sida ay ku dambeyn doonto xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha magaalada Berbera, balse waxa ay shacabka magaaladdaasi illaa hada la yaaban yihiin ka dib xukunkii dhacay sababta badhasaabka Gobalku u taageeraayo dableydaas xooga ku qabsatay Masaajidka Xaaji Yuusuf Iimaan.

DAAWO, muuqaalka markii reer Xaaji Yuusuf Iimaan Loo Xukumay Masaajidka Sheekhul Isxaaq:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.