Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Keenay oo Mar Kale Gaalkacyo Ka dhacay

Gaalkacyo – (warsoor) – Waxaa saaka duleedka magaaladda Gaalkacyo ka dhacay dagaaal dhaxmaray ciidamo kala taabacsan maamul goboleedyadda Puntand iyo Galmudug, waxaana ku dhintay ugu yaraan shan qof waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof oo kale.

2016107636114078657392010gaalkacyo

Dagaalkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay ciidamadda Galmudug ay saldhig ciidan ka samaysteen Galbeedka magaaladda Gaalkacyo. Ciidamadda Puntland ayaa ka soo horjeedsaday in maamulka Galmudug uu saldhig ka samaysto deegaanka Gaalkacyo.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland waxaana halkaasi ka bilaabmay dagaal culus. Labada dhinac ayaa helaayo ciidamo gurmad oo xoojiya taasinay waxay keento inuu dagaalku kolba sii xooogaysto.

Dadweynaha Gaalkacyo ayaa ka firdhaday hubka iyo rasaas ay labada dhinac isweydaarsanyaan.

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo madax dhaqameed ayaa bilabay dadaal ay ku joojinayaan xabadda, balse wali kumay guulaysan in labada dhinac la isa soo horfadhiisiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.