Balawene – (warsoor) – Maamulka Ciidanka Jabuuti iyo kan Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo kama dambeys ah oo lagu joojinayo dagaalada sokeeye ee ka socda deegaanno ka tirsan gobolkaasi.
Dhinacyadaasi oo kaashanaya odayaal iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay xabad-joojin la dhexdhigay laba beel oo ku dagaalamay galbeedka magaalada Baladweyn iyo tuulooyin kale oo ku dhow.
Xaaladda ayaa degan waxaana maamulka ciidanka Jabuuti iyo kan gobolka Hiiraan ay sheegeen in ciddii kahortimaada dadaalada nabadeed ee ay wadaan dhinacyadaasi iyo waxgaradka kale loo arki doono kuwo leh ujeedooyin gaar ah.
Dagaaladaasi u dhexeeya labadaasi beelood ayaa labadii sano ee u dambeeyay ku soo laabtay gobolka Hiiraan, gaar ahaan xilligaan oo la tilmaamay in ay jiraan abaarro iyo dhibaatooyin kale oo xagga nolosha ah.
Xigasho: SONNA
This post is also available in:
Somali