Jubbaland oo maanta soo dhameystiraysa Xubnihii u matali lahaa Aqalka hoose

Kismaayo – (warsoor) – Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto xildhibaankii ugu dambeeyey ee xubnaha aqalka hoose ku matali doono Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Maamulka Jubbaland.

Jubbaland oo aqalka hoos ku lahayd 43 kursi ayaa waxa maanta lagu tartamayaa kursigii 43aad oo ah kursiga kaliya ee ugu dambeeyey kuraasta laga soo dooranaayey Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale waxaa la filayaa in ay sii socdaan doorashada xubnaha aqalka hoose ee Gobolada kale ee Dalka, Maamulka Jubbaland ayaa noqonaayaa Maamulkii ugu horeeyey ee soo dhameystiro xubnaha ku matali lahaa Aqalka Hoose ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, marka ay maanta doortaan Kursiga ugu dambeeyay.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.