Dad ku sumoobay raashin ay cuneen oo la dhigay cisbitaalka guud ee Cadaado

Soomaaliya – (warsoor) – Bukaannadaan oo tiro ahaan  gaaraya ilaa 11 qof ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Cadaado, kuwaas oo la  aaminsanyahay inay ku sumoobeen raashin ay cuneen, waxayna dadkaasi ku noolaayeen deegaanka Qaradhi oo hoos yimaada magaalada Cadaado.

Maxamed Maxamuud Cali oo kamida howl wadeennada isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed uga warbixiyey xaaladda mukaannadaan oo uu sheegay in ay ku sumoobeen raashin ay cuneen.

“Dadkaan sadexdii waqti ee lasoo dhaafay ayaa la keenay isbitaalka Cadaado,waana dad ku sumoobay raashin ay cuneen, waxaana laga keenay deegaanka Qaradhi,  dadka tiradoodu waa 11 qof, waxay isugu jiraan sadex carruur ah, qof dumar ah iyo todobo qof oo kale oo rag ah, dadkaas hal qoys kaliya ma ahan ee waa qoysas kala dudan, intooda badanna xaaladdoodu way wanaagsantahay”ayuu yiri.

Qaar kamida bukaanna ayaa iyaguna warbaahinta Qaran uga warbixiyey xaaladdooda caafimaad.

“Magacayga waa  Cabdulqaadir maxamuud baa ladhahaa, habeen hore ayaan anagoo sadex wadaad ah waxaan quraan ku aqrinnay dad xanuunsanaa, reerkii ayaa waxay noo keeneen casho iyo caano ay soo iibiyeen,kadibna waan xanuunsannay, marka waxaan is leennahay raashinkaas ayaad ku sumowdeen”ayuu yiri mid kamid ah dadkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.