Dacwadda muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo furmaysa Bisha September

Hague – (warsoor) – Maxkamadda ay hortaallo dacwadda  Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda la xiriira xagga Badda ayaa shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee ay furmeyso dhageysiga dacwadda labada Dal.

ICJ ayaa sheegtay in bisha September ee sanadkan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

khilaafka_badda

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xagga sharciga ay ku kala baxaan Kenya, halka ay iyana dooneyso in wada xaajood hoose lagu dhammeeyo khilaafka dhinaca badda.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.

Sanadkii tegay waxa ay dowladda Kenya codsatay in dib loogu dhigo dacwadda, hase ahaatee Maxkamadda ayaa go’aansatay in dacwadda la qaado kama dambeysta sanadkan dhamaadkiisa.

Maxkamadda  ayaa qorsheysay in dhageysiga dacwadda ay socoto muddo afar maalin ah, iyadoo labada maalin ee hore la dhageysan doono Kenya halka labada kalana la dhageysanayo Soomaaliya.

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa bishii July ee sanadkii 2015-kii u gudbiyay Maxkamada Hague ee Dalka Holland, Warqadaha dacwada Soomaaliya ee ku saabsan muranka kala dhexeeaya Kenya.

Xigasho: SONNA/News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.