Barlamaanka Soomaaliya oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Muqdisho – (warsoor) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa Muqdisho ayaa u codeeyay in wax ka baddal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah ee Dalka.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar, ayaa Xildhibaanada waxay wax ka baddal ku sameeyeen qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqaddiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.

baarlamaanka_Soomaaliya

Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah ku codeeyeen 215 mudane, waxaana haa ku oggolaatay 208 xubnood, Afar ayaa diidday, halka saddex mudane ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista ee baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, ayaa sheegtay in labada qodob ee uu baarlamaanka wax ka beddalay ay yihiin kuwa muhiim u ah Qaranka, isla markaana ay kala quseeyaan in uusan dalka noqon dastuur la’aan iyo Baarlamaan la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in laga bilaabo maanta uu baarlamaanka galayo fasax cidda ah, maadaama ay dhamadeen sharuucda hor tebinta leh.

Xigasho: SONNA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.