Diblomaasi Baaq ku Wajahan Qaddiyadda Somaliland u jeediyey Maraykanka iyo Midowga Afrika

HARGEYSA – (WARSOOR) – Stephen M Schwarts oo ah Diblomaasi Maraykan ah, ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inuu galo Qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu tilmaamay inay gaadhay guullo waaweyn oo la xidhiidha nabadgelyada iyo Dawladnimada Dimuqraadiga ah ee ay samaysay Sodonkii Sannadood ee ay Soomaaliya kala soo noqotay xoriyadeedii.

Stephen M Schwarts oo ahaa danjirihii Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya sannadihii 2016 illaa 2017, ayaa warbixin dheer ka qoray Somaliland,  oo ay soo xigatay Wakaalada Wararka ee SOLNA, Waxa uu ku sheegay in Somaliland sameysay horusocod dhinaca ammaanka iyo Dimuqraadiyadda ku wajahan, isla markaana ay qabatay doorashooyin xor ah oo aad loogu tartamay.

Diblomaasigaasi wuxuu sheegay in midowga Afrika ay sannadkii 2005tii Jamhuuriyadda Somaliland u direen wefti xaqiiqo raadin ahaa oo warbixintii ay soo saareen garowshiiyo siisay xaqa-aayo ka tashiga bannaanida JSL.

Stephen M Schwarts wuxuu ku guubaabiyey midowga Afrika inay xiliganna galaan arrinta Somaliland oo ay u diraan wefti xaqiiqo raadin ah oo dib u soo qiimeeya Xaaladda Somaliland.

Waxa kaloo uu ku booriyey in midowga Afrika uu wadahadallo u qabto Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaasna uu damaanad qaado sidii  wadahadalku u midho-dhali lahaa.

Diblomaasigaas Maraykanka ahi wuxuu ugu baaqay in midowga Afrika ay caddeeyaan dhinacii jabiya wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu iftiimiyey in aan wax horumar ah laga gaadhin tobankii sanno ee u dambeeyey.

Waxa kaloo Mr. Stephen Schwarts u soo jeediyey Dawladda Maraykanka inay dalalka Afrika iyo kuwa kaleba ku dhiirigeliyaan in laga gun-gaadho Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland. Waxaanu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ku booriyey inuu qoro waraaq la mid ah tii Maraykanku 1960 ugu hambalyeeyey Jamhuuriyadda Somaliland xiligaas oo ay ingiriiska ka qaateen xornimadoodii.